|

Qurbojoogta: Oo Ka Welwelsan Go’aanka Dowlada Kenya Ku Gaartay In Qaxootigu Ka Baxo Nairobi

Minneapolis Mar 28,2014(SDN)-Waxaa qaar ka mida Qurbojoogta degan magaalada Minneapolis, ee gobolka MN, ee dalka Maraykanka ee aan la hadlay ka muujiyeen walaac aad u wayn go’aankii ay dowlada Kenya ay ku amartay in qaxootiga degan magaalooyinka in ay ku laabtaan ama degaan xeryaha qaxootiga loogu talagalay. Taas oo ay dowlada Keyan ku tilmaantay in ay uga hortagayso falalka argagaxisanimada ee hore u dhaci jiray.

Qurbojoogta oo aan anigaba aqristow ka mid ahay, ayaan intooda badan ku noolaa dalka Kenya ka dib markii uu dhacay dagaalkii sokeeye 1990kii. Sidoo kalena, waxay intooda badan ka soo baxeen dalka Kenya, iyada oo ay intooda badani qaar ka mida eheladoooda ay waqtigaan xaadirka ah ku nool yihiin dalka Kenya, ha ahaadeen kuwo ay gadaal iska heleen ama kuwo gadaal ka yimi.

War ay qortay shabakada BBCda, isla markaana ay idiin soo gudbisay qurbejoog.com ayaa wax ay sheegtay in Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku uu yiri in amarkaan sababta loo soo saaray ay tahay arimo degdeg ah oo la xariira nabadgelyo darida dalkooda soo foodsaartay. Waxaa uu Wasiirka intaas ku daray in qaxootiga degan magaalooyinka ay iska xaadiriyaan Dhadhaab ama Kakuuma. Wasiirka oo cadeeyey in la joojin doono meelaha ku yaala magaalooyinka ee lagu diiwaangeliyo qaxootiga degan ama soo gaara magaalooyinka. Isagoo yiri “kuwa go’aanka ku xadgudbana, waxaa lala tiigsanayaa sharica”

Wasiirka oo intaas ku daray in qaxootiga degan magaalooyinka ay iska xaadiriyaan xerooyinka Dadaab iyo Kakuma oo ku yaal Bariga iyo Waqooyi-Bari Kenya. Waxaa lagu qiyaasaa qaxootiga degan Dhadhaab ilaa nus milyan, halka 100,000 oo qaxooti ah ay degan yihiin Kakuuma.

Dhinaca kale, waxa ururka loo yaqan Refugee International ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa ka codsaday in dowlada Kenya ay ka laabato go’aankeedi. Waxaa uu ururkaas yiri “sanado badan bey si deeqsimo leh Kenya usoo dhawaysay qaxootiga Soomaalida, taas oo u ogolaatey in qaar badan ay gaaraan isku filaan, iyaga oo isla markaana wax ku soo kordhiyey dalka Kenya. Go’aankaan oo inatusaaya isbadel welwel leh johadiisuna ay qaldantahay, in uu meel maro ma aha”.

 

Waxaa tafatiray: Mohamed Barre – junlay “Buluf”oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – Junlay99@aol.com

Comments are closed