|

Ra’isal Wasaaraha Somalia iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya oo Kulan Ku Yeeshay Nairobi

Nairobi 27.March 2014 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuuamadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Aamina Maxamed.

Raysul-wasaaraha-iyo-Aamina-Maxamed-300x199Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya, oo lagu amray in ay ka baxaan magaalooyinka oo ay ku laabtaan xeryaha qaxootiyada ee ay ka diiwaan gashan yihiin.

Raysul wasaaraha ayaa dhinaca kale sheegay in uu ka xun yahay  weerar Axaddi ka dhacay magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya, wuxuuna xusay inay muhiim tahay labada dowladood inay u midoobaan sidii looga hor tagi lahaa weerarro aragixiso oo ay Al-Shabaab ku dhibaatayso shacabka labada waddan.

Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Aamina Maxamed ayaa intii uu kulanku u socday isla soo qaaday  wada shaqeyn dhex marta baarlamaannada labada dal.

Dowladda Kenya ayaa mar kale amar ku bixisay in qaxootiga ku sugan magaalooyinka dalkeedu ay tagaan xeryaha qaxootiga, iyadoo tallaabadaas ku macnaysay in ay ku adkaynayso ammaankeeda.

Nairobi SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed