|

Madaxweyne Siilaanyo oo Hogaanka Kulmiye ka Dalbaday inay Ceebaha Dul Hoganaya ka Jeediyaan Si Dhakhso ahna u Qabtaan Shirweynihii Mudo Dhaafay ee Xisbiga Kulmiye

Hargaysa 27.March 2014 (SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay u yeedhay Guddoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanu Amray sida Ilo wareed kulankaasi u dhuun daloolaa sheegeen in sida ugu dhakhso badan loo soo Af-jaro muranka ka taagan Saami qaybsiga Ergooyinka Shirweynaha.

Siilaanyo iyo yaabKulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse dhex maray ayaa lagu soo hadal qaaday dibu-dhaca Shirweynaha ku yimi, kaasoo rajo beel ku abuuray taageerayaasha iyo Qarankaba, waxaanu Madaxweynuhu hogaanka Xisbiga ku Amray in ay Indhaha Bulshada ka jeediyaan Ceebta Dul taala Xisbul xaakimka talada haya oo ay fadeexad aan laga soo waaqsan karayn arrintani ku keentay.

Dhinaca kale, Guddida qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo hawshan gacanta ku haya ayaa lagu soo waramayaa in ay isku raaci kari waayeen go’aan kali ah oo sheega qaabka Ergooyinka loo qaybsanayo si shirweynuhu u qabsoomi, waxaana la sheegayaa taas bedelkeeda in ay sadex qorshe oo ay kala wataan usoo gudbiyeen Hogaanka Xisbiga si ay go’aan uga qaataan.

Yeedhmada Madaxweynuhu Guddoomiyaha Xisbiga ugu yeedhay sidii shirka loo qaban lahaa iyo go’aan la’aanta guddida qaban qaabada ayaa u muuqata in aanay fari ka qodnayn qabsoomida shirweynaha Xisbiga maadaama sida ay Guddidu ugu kala qaybsantay qaabka saami qaybsiga laga filayo hogaanka oo hore usii qaybsanaana jidkaas oo kale raaci doono.

Si kasta ha ahaatee Xisbiga Kulmiye ayaan wali maaro u haynin in uu qabsado shirweynihiisa Sadexaa iyadoo ay soo dhaaftay mudadii ugu danbaysay ee uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay in la qabto.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed