|

Ciidamada Amaanka ee Somaliland oo Saldhiga Dhexe Su’aalo ku Weydiinaya Dhakhtar Macaw oo Dad Badani Isu Diiwaangeliyeen inuu baadho,Adduun badana laga qaaday

Hargaysa 27.March 2014 (SDN)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta duhurkii albaabada u laabay xarun caafimaad oo uu baadhitaan ka waday Dr. Cali Macaw oo ka yimid magaaladda London ee dalka Ingiriiska kaasi oo  ay isku diiwaan geliyeen 2000 oo qof oo ka kala yimid goboladda dalka iyo qaar ka mid ah wadammadda jaarka la ah Somaliland.

Dr MacawCiidanka Boolisku waxay maanta galeen Cisbitaalka Xabiibi Xanaan ee magaaladda Hargeysa, waxaanay kaxaysteen Dr. Macow oo  ay su’aalo ka weydiinayeen aqoontiisa xirfadda caafimaad, iyo asbaabaha uu u soo galay dalka.

Dr. Macow waxa uu labada kun ee qof ee isu diiwaan geliyay inuu baadho ka qaaday halkii qofba min 40 dollar oo laga sii qadamay intii aanu dalkaba iman.

Ninkan Dhakhtarka ah oo u dhashay dalka Soomaaliya waxa uu maanta markii ciidanka Boolisku kaxaysteen uu ku gudo jiray hawsha baadhista dadka bukaanka ah ee isku diiwaan geliyay, waxaanu sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah bukaankii sugayay uu marayay kaadhkii 22-aad.

Ciidanka Boolisku Markii ay dhakhtarkan kaxaysteen waxay dadkii bukaanka ahaa ee sugayayna ku war-geliyeen inay kala dareeraan oo ay ka baxaan goobtan.

“Waxaan ahay Wakiilka Dr. Cali Macow Aways, Horta markii ugu horresay ee aanu imanaynay Somaliland waxaanu la soo xidhiidhnay Wasaarada Caafimaadka Somaliland, oo ogolaatay imaanshiyaha Dr.Macow inuu Somaliland yimaado, oo uu ka fuliyo hawlo Caafimaad,”ayay Tidhi  Intisaar Maxamed Cali Qoys oo  Salaasadii shir jaraa’id ku qabatay Caasimadda Hargeysa.

Waxaanay  haweenaydaasi intaas raacisay “Shacabka reer Somaliland waxaan u sheegayaa inaan ruqsadkii imaanshiyaha Dr.Macow aanu ka heysano Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo uu na siiyey Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Xaglatoosiye. Markii hore Dr.Macow inuu joogo Somaliland muddo yar ayaan ugu tallogalnay, laakinse imika waxa batay caddadka dadka aanu u diwaangelinay, markaa waxaanu ku tallo-jirnaa inuu digtoortu mar kale dib u soo noqdo”.

Qaar ka mid ah dadweynaha bukaanka ah ee dhakhtarkan sugayay ayaa noo sheegay inay ka xun yihiin tallaabadan ay dawladdu markii horena ruqsada ku siisay Dhakhtarkan hadana ay kaxaysatay isagoo ku gudo-jira hawshii baadhista bukaankii isku diiwaan geliyay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

 

 

Comments are closed