|

AL –ZIIZI oo iska casilay Hogaankii Ciidamadda iyo Wasiirka Difaaca

Masar,27,march,2014(SDN)-Wasiirkii Gaashandiga ee Wadanka Masar Cabdifataax Al-Ziizi,ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo jagadaasi.si uu Qalaanqal ugu yeesho U cararida Jaggada Madaxtinimadda ee Dalkaasi.

Ziisi oo ka hadlayay Tv-ga Qaran ee dalkaasi ayaa hadal uu shacabka ugu talogalay oo jeedyay waxa uu ku yidhi “Maanta waa maalintii ugu danbaysay ee aan hortiina taaganahay,aniga oo xidhan dharka Ciidamada.waxaanan go’aan ku gaadhay in aan so af-jaro muddo aan ahaa Madaxa sare ee Ciidamadda iyo Wasiirka Difaaca ee dalka”.

Waxa kale oo uu  daboolka ka qaaday in uu damacsanyahya in uu isu sharaxo jaggadda Madaxtinimadda,isaga ooh al ku dhig ka dhiganaya “ Doonista balaadhan ee Taageerayaasha, ayaa iga dalbaday  gaadhida mansab sharafeedkaa”. Waxaana uu ku balan-qaaday inuu samaynayo Dawladda uu ku sheegay mid ka madhan Cabsi iyo Argagixiso.

Arinta ayaa ka danbaysay kulan ay iskugu yimaadeen Hogaanka sare ee Taliska Militariga oo uu weheliyo Ra’iisal Wasaaraha Ku meel gaadhka ee Masar  Cali Mansuur.

Masar,SDN.

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed