|

Halkan Ka Akhri Magacyada Xubno Al-shabaab Ka Tiran Oo Lagu Qabtay Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho:27-March-2014(SDN)-Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa ku guulestay in ay gacanta ku dhigay ilaa 8-nin oo ay sheegeen inay ka Tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaa oo qaarkood doonayeen in ay ka dhoofaan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

gdhaShan kamid ah ragan lasoo qabtay ayaa la sheegay in la qabtay xili ay doonayeen in ay ka dhoofaan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeday Deegaano kala duwan.

 

Saraakiisha ciidamada amniga ayaa sheegay in shan ka mid ah Ragan Shabaab katirsan laga soo qabtay garoonka ay ku sii jeedeen Gobollada Waqooyi Galbeed, Hiiraan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

 

Xubnahan la qabtay Oo Warbbaahinta loo soo Bandhigay ayey Magacyadodu  kala yihiin sidan.

1-Maxamed Xiireey Bakaari .

 

2-Iidoow Cabdulle Barqadle

 

3-Ibraahin Cabdulle Barqadle

 

4-Cumar Aadan Maxamed

 

5-Cabdirisaaq Maxamed Ibraahim.

 

6-Cabdifataax Cali Maxamed

 

7-Xasan Nuur Maxamed

 

8-Shariif Ciise Aadan.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed