Xildhibaano iyo Wasiirro Safaf Dhaadheer u Galay Hambalyeyntii Siilaanyo ee Booqashada Gobollada Bari Oo Haatan Laga La Yahay Jawaab ay Ka Bixiyaan Gardarrada Puntland
Hargeysa:27-March-2014(SDN)-Inta Badan Xildhibaanada iyo Wasiirrada Somaliland kaga Jira Gobollada Bariga ee Sool iyo Sanaag, ayaa u muuqda kuwa Daawanaya Garddarada iyo Hadallada Deelqaafka ah ee Ka Soo Yeedhay Maamulka Puntland.
Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Warshadaha ayaa laga Sugayey inay bixiyaan Jawaabta ugu Horraysa, maadaama Cidda Somaliland Argagixisada ku sheegaysaa ay Yihiin Xubno ay isku Deegaan ka soo Jeedaan oo Raalligelinaya Maamulkooda, taas Beddelkeedana waxa ay Wasiirradaasi ku mashquulsan yihiin Arrimo kale oo Somaliland Gudaheeda ah.
Sidoo kale Xildhibaanada ka soo Jeeda Deegaanada Sool iyo Sanaag eek u jira Golayaasha Somaliland, ayaan marka laga Reebo Xildhibaan Indho-indho oo issagu ahaa Masuulkii ugu horreeyey ee Jawaab La yaableh bixiya afxidhnaan kaga jawaabay Tallaabooyinka ay Puntland Halkaas ka waddo.
Arrimaha la yaabka leh ee Shacabka Xusuustooda ka Guuxaya ayaa ay ugu weyn tahay in ay Xildhibaanada Garddaradda ka aamusani ay Safaf Dhaadheer u galeen Hambalyeyntii Madaxweyne Siilaanyo ee La Xidhiidhay Booqashadiisii Bariga Dalka iyo waliba jawaab Siinta Mucaaridka dalka oo si weyn ugu Degdegaan.
Ilaa iyo haatan Wax jawaab ah lagama hayo hal xildhibaan oo ka soo Jeeda Golaha Baarlamaanka Somaliland ee u dhashay Deegaanaddaas Hadalku u badan yahay, waxana ay Shacabku wax iska weydiinayaan Muwaaddinimada iyo sida ay daacadda uga Yihiin Qaddiyadda Goonni isu taagga Dalka.
S.D.N