Qashin Doortay Qashin
halku dhega maqaaladan waxaa ku tiraabay ruux muwaadin ah oo aan kula kulmay mid ka mid ah xaafadaha Hargeysa kaas oo ka xanaaqsanaa qashinka buux dhaafiyay dariiqyada magaalada, waxana uu intaa ku daray dadka sidan doortay iyo golaha ay doorteenba waa qashin.
masuuliyiinta dowlada hoose waxaad moodaa in aanay fahamsaneyn shaqadii loo doortay ee aasaasiga ahayd taa badalkeedana waxa ay ku mashquuleen dhulka anagaa xukuna iyo hawlo dhaqaale iyagoo ku fashilmay inay gutaan waajibkii ka horeeyay.
Hadaba marka aad magaalada Hargeysa maanta aad dhex marto waxaad ku arkeysaa qashinkii oo meel walba tuban dariiqyadii ayuu yaalaa xaafadahii ayuu hor wadhan yahay. Markaa awal bilic ayaa laga hadli jiray laakiin maanta waxa muuqata halis caafimaad oo noqon karta aafo ku soo fool leh dadweynaha ku dhaqan caasimada hadaan degdeg wax looga qaban.
Waxaan ognahay in ay hadda curanayaan roobabkii dayrta waxaana halkaa ka dhalan kara cuduro ay haboon tahay in laga hortago.
Waqtiyadii hore waxaa laga caban jiray qashinka oo goobihii loogu talo galay yaala immika taas ma jirto oo wadooyinkii la marayay ayaad ku turunturooneysaa oo wa la isla soo dhaafay.
Carradii nadiifta ahayd ee dabiiciga ahayd ayaa is dhalan rogtay.
Xaaladan saxo xumada iyo qashinka isbarkan waxa lagu tilmaami karaa mid mareysa heer fatahaadeed.
Hadaba maxaa u sabab ah maxaase loo baahan yahay si wax looga qabto.
Waxan ognahay in qashinka ay dowlada hoose ee caasimadu ku wareejisay shirkado gaar loo leeyahay kuwaas oo lacago xad dhaaf ah ka sameeya. Dowlada hoose waxaa looga baahnaa inay lahaato hab ay ula xisaabtanto shirkadahan kuna qiimeyso shaqada ay qabanayaan in sidii loogu talo galay u qabteen. Waxa ay shirkadahani ka urursadaan qoys walbana ka qaadaan bishii 30 000 shilinka Somaliland ah. Taasi waxa ay ku tusaysaa in aanay jirin tayo aqooneed iyo waayo argnimo aanay lahayn dadkii masuuliyadan loo doortay.
Ugu dambeyntii waxaan ku soo gabogabeynayaa dowlada dhexe ee Somaliland oo u muuqata inay ka go´an tahay dhismaha dalka iyo wax ka qabashada baahiyaha waa in ay si degdeg ah u soo faragaliyaan arintan isla markaana ay ku kaabaan aqoon iyo xirfad lagu dhiso kabaasatiga golayaasha deegaanka. Si loo xaqiijiyo horumar isku dheeli tiran. Geesta kale waa in dadweynuhu ay lahaadaan hab ay ula xisaabtaan maamulka degaankooda, maadaama ay yihiin cashuur bixiye xaqna u leeyihiin sidaas.
Wabillaahi Towfiiq
Sakaria Abdi Sulub
Freelance journalist
Email: sekriasulub@gmail.com