Ciidamada Dawlada iyo Kuwa Amisom oo Kooxda Alshabab oo laga qabsaday degmada Ceelbuur
Ceel Buur 26.March 2014 (SDN)- Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ee Ethiopia ka socda ayaa ku siqaya degmada Ceel-buur ee Gobolka Galguduud, iyagoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay gudaha u galeen ciidamadan degmadaas.
Dagaal culus ayaa Al-shabaab iyo ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ku dhex-maray meel ku degmada Ceelbuur, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in dagaalkaas ay ku dhinteen in ka badan 10-ruux oo labadii dhinac ka tirsan.
Intii dagaalku socday ayaa waxaa la sheegay in gudaha degmada Ceelbuur ay ku dhaceen madaafiic dhowr ah oo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen, xili ay dadku ka barakacayeen degmadaas.
Xoogaga Al-shabaab ayaa isku dayay dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay inay ka difaacdaan ciidamada DF iyo kuwa AMISOM inay gaaraan Ceelbuur, balse Maanta ayay ciidamadu jiireen xoogagii Al-shabaab.
“Ciidamada DF iyo AMISOM waxay gudaha u galeen qaybo ka mid ah degmada kadib markii ay jabiyeen xoogagii Al-shabaab ee ay dagaalka la galeen, haatana gudaha ayaan ku suganahay” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan ciidamada DF oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho.
Al-shabaab weli ka hadlin dagaalka maanta degmada Ceel-buur looga qabsaday, iyadoo degmadan ay tahay degmadii 9-aad oo ay ciidamada DF iyo AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab.
Sidoo kale Ciidamada Ethiopia oo AMISOM ka tirsan weli kama aysan hadlin dagaalka, waxaase dagaalka uu qayb ka yahay dagaalo dhawaanahan ku dhexmarayay labada dhinac Koonfurta Degmada Dhuusomareeb ee Gobolka Galguduud.
Kooxda Al-shabaab ayaa weli ka talinaysa Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Galgudud oo ay ka mid yihiin Degmada Ceel-dheer iyo Deegaano kale oo gobolka Galguduud kaga yaala Dhinaca Xeebta Badweynta Hindiya.
Al-shabaab ayaa waxaa tan iyo bishii Hore laga qabsaday deegaano dhowr ah oo ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Somalia, kuwaasoo ay ka mid yihiin, Buulo-Burde, Qoryooley, Xudur, Waajid, Buurdhuubo iyo kuwo kale.
Ceel Buur SDN.
Qurbejoog@gmail.com