Gudoomiyaha Degmada Maxamud Haybe oo Dhinac isaga Leexiyay eedayn uu u soo Jeediyay Maayarka Sallaxley,Sheegayna inuu Bulshada kala faquuqayo {DHAGAYSO}
Hargaysa 26.March 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Degmadda Maxamud Haybe ee magaaladda Hargaysa,ayaa maanta Shir jaraa’id oo ku qabtay Xafiiskiisa iska Fogeeyay Eedaha loogu jeedinayo in isaga iyo raxan ka tirsan Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Hargaysi ay Weerar ku Qaadeen Golaha Deegaanka ee Degamadda Sallaxley,ka dib markii laysku af-dhaafay Qorshaynta Beer daaqsimeed ku taala Agagaarka Tuuladda Toon oo laba dhinacba ay sheeganayaan in ay iyaga Maamul ahaan Hoos timaado.
Gudoomiyaha ayaa ku Eedeeyay Maayarka Magaaladda Sallaxley in uu wado talaabooyin dadka Deegaanka layska horkeenayo.taasina ay dhaawac ku tahay Haybadda Masuuliyadda uu dadka iyo dalka u hayo.
Ugu danbayntiina waxa uu baaq u diray Wasiirka arimaha Gudaha JSL,oo uu ka dalbay in arintan uu si deg deg ah wax uga qabto.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA GUDOOMIYAHA M.HAYBE
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MaxamudHaybe.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com