|

Kenya oo la taacalida Shabaabka ay dhaxalsiisay ku dhawaaqida shuruuc ka horkeeneysa Beesha Caalamka

Nairobi Mar 26,2014(SDN)-Dawlada Kenya ayaa soo saartay sharci hor leh oo ay kula tacaaleyso weerarada isdaba jooga ah ee uga imanaya kooxda Al Shabaab ee dagaalku u dhexeeyo.

Goaankan oo uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha guddaha ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku ayaa lidi ku ah shuruucda Caalamka.

Wasiirku waxa uu soo saaray goaan faraya Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Kenya in ay gebi ahaanba iska xaadiriyaan.

Wasiirka ayaa goaankiisa ku saleeyay duruufo amni oo dalkaa ka soo wejahay kooxda Al Shabaab oo qaxootiga ahaan dalkaa ku gala.

“Gebi ahaanba qaxootiga ku nool magaalooyinka ee aan ku noqon xeryaha qaxootiga waxa lala tiigsan doonaa sharciga”ayuu yiri wasiir Lenku.

Shuruucda caalamka ayaa oranaya in hadii qaxootigu ay isku filan yihiin ama ay waxbarasho iyo caafimaad khaasa u baahan yihiin in ay ku noolaan karaan degaanada ka baxsan xeryaha qaxootiga.

Ma aha markii u horeysay ee Kenya ay goaan noocan oo kale ah uu ka soo yeero,waxaana dhawr jeer ku gacan seyray goaamadan beesha caalamka.

Kenya ayaa haatan wada mashruuc aan hirgelin oo ay qaxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku nool ay Soomaaliya dib ugu celineyso.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed