Kenya Oo Amar Cusub Ku Soo Rogtay Qaxootiga Soomaalida ee Ku Sugan Goobaha Ka Baxsan Xeryaha Loogu Talo Galay
Nairobi:26-March-2014(SDN)-Dawladda Dalka Kenya ayaa Maalintii Shalay Amar ku siisay Qaxootiga somalida ah ee Meelaha Magaalooyinka Kenya Dhexdeeda Deggen inay Dib ugu laabtaan Xeryahaha Qaxootiga ee Dalkaasi ku Yaalla.
Arrintan ayaa loo aanaynayaa markii Dhawaan Ciidanka Ammaanka Kenya ay ka hortageen Qaraxyo lagu maleegayey Goobo Kenya ku Yaalla.
Joseph Ole Lenku, wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa ku sheegay amarkaasi inuu yahay amar deg deg ah oo dhanka amaanka ah oo ka dhacaya magaalooyinka dalka Kenya.
“Dhamaan qaxootiga deegaansaday bannaanka xeryaha Kaakuma iyo Dhadhaab waa inay kusoo laabtaan xerada sida ugu dhaqsiyaha badan”sidaasi waxaa yidhi wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya.
Ku dhawaad 1.1 Milyan oo qaxooti ah ayaa waxay deegaansadeen xerada Dhadhaab oo ku taala xuduuda Kenya ay Soomaaliya la wadaagto iyo Kaakuma oo ku dhow dhanka koofurta Sudan iyo Kenya.
Wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan goobaha qaxootiga laga diiwaan geliyay Nairobi, Mombasa iyo deegaanka Nakuru in la xidhi doono, ayna ku laaban doonaan dadkaasi xeryaha Dhadhaab.
Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa aamisan in Alshabaab ay adeegsadaan xeryaha qaxootiga marka ay doonayaan inay weeraro ka geystay dalkaasi Kenya, sida ay saraakiisha sheegeen.
Axadii lasoo dhaafay ayay aheyd markii lix ruux oo kusugnaa kaniisad ku taala Mombasa ay dileen, iyadoo booliska ay sheegeen inay xidheen laba ruux oo lagu helay gaadiid waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen.
Dadka qaxootiga Magaalooyinka Deggen ayaa kaliya loo ogolaaday inay Goobahooda joogi karaan, waana Haddii ay Nafahooda Dabari karaan oo isku filnaan Karaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com