Kal Fadhigii Afraad Ee Baarlamaanka Somalia Oo U Xanniban Kooram La’aan Xilli ay Xildhibaanada Qaar Ka Mid ahi Ku Mashquulsan yihiin Maamul Goboleedyo Colaadda Bulshada Hurinaya
Muqdisho:26-March-2014(SDN)-Kala Fadhigii Afraad ee Baarlamaanka Somalia ayaa Maalintii Afraad u Baaqday Kooram La’aan kadib markii ay Tirada Baarlamaanka ee Sharciyan uu Fadhigu ku Furmi karaa ay ka soo Xaadiri waayeen.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa isaga oo ka Duulaya Arrintaas, waxa uu Maalintii shalay Baaq u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo u muuqda kuwo shaqadoodii kaga Mashquulay, “Anigoo ku Hadlaya Magaca Guddoomiyaha Golaha SHacabka, waxana ugu Baaqayaa inay soo Xaadiraan Fadhiyada Golaha, maadaama oo ay arrimo Muhiim ahi u yaalliin.” ayuu yidhi Mahada Cabdi Cabdilaahi Cawad guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka somalia.
Kal Fadhiga ayaa u xanniban Tiro Kooban oo Xildhibaano ah, kuwaas oo intooda Badani ee Buuxin karaa ay ku sugan yihiin Dalka Gudihiisa, balse aanay Daacad ka Ahayn inay Fadhiistaan, maadaama ay Dano gaar ah wataan, kuwaas oo ay ka Horraysiinayaan Dantii Guud ee Qaranka ee ay ku dhaarteen.
Xildhibaanada Qaar ka mid ah ayaa Haatan ku Sugan Magaalada Baydhabo, kuwaas oo ku Mashquulsan inay Kala Hororsadaan Masnabyo Maamul Goboleedyo aan Meel Dheer Gaadhsiisnayn, waxana Taasi Muujinaysaa inay Xildhibaanadu Diyaar u ahayn inay xilkooda Gutaan.
Sidoo kale Tiro ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Haatan La Baafinayo, ayaa ah Wasiirro Xukuumadda Ka Tirsan oo Shaqooyinkii Dawladda U Baydhay, iyadoo Xildhibaano Kale oo badanina ay Haatan Qurbaha Iska Joogaan
S.D.N