|

Xarun Caafimaad oo laga Hirgaliyay Deegaanka Ceel Sheekh iyo Weedhihii halkaas laga Jeediyay {DHAGAYSO}

Daarasalaam 07,March 2014 (SDN)- Isu duwaha Caafimaadka ee Gobolka Maroodi jeex Cabdi Xuseen Cali ayaa maanta xadhiga ka jaray Xarunta Caafimaadka hooyada iyo Dhalaanka ee Tuulada Ceel Sheekh

Ceel Sheekhxafladii furitaanka xaruntan caafimaad ee tuulada ceel sheekh oo ka tirsan degmada daarasalaam waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Marwo Sam Sam Cabdi Aadan agaasimaha Guud ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta,Gudoomiyaha Degmada Daarasalaam iyo mas’uuliyiin kale.

Dr Axmed Cabdi Xuseen oo ka Mid ah Aqoon yahanada deegaankaasi ayaa tilmaamay in bulshada deegaanku ay baahi weyn u qabtay xaruntan caafimaad iyo adegyada kala duwan ee aasaasiga ah waxaanu wasaarada caafimaadka ka codsaday inay dhamaystiraan baahiyaha kale ee Xaruntani u baahan tahay isagoo u mahadceliyay cid kasta oo ka qayb qaadatay dhismaha Xaruntan.

Isu duwaha Caafimaadka ee Gobolka Maroodi jeex Cabdi Xuseen Cali ayaa sheegay in xaruntani ka kooban tahay dhisme shan qol ah waxaanu balanqaaday in Wasaaradiisu dhamaystiri doonto wixii ka dhiman isla markaana ay dhawaan keeni doonaan Dhakhaatiir iyo daawooyinkii ay ku shaqayn lahayd.

Dr Ismaaciil Aw Cali Jaamac oo ah la Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha caafimaadka ayaa bulshada deegaankaasi ku booriyay inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay u horumarin lahaayeen deeegaankooda isla markaana uga faa’iidaysan lahaayeen khayraadka kala duwan ee alle ku manaystay.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALADII XADHIGA KA JARISTA XARUNTAN
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CeelSheekh07(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com

Comments are closed