|

Barkhad Oo Hollywood Filimkii Labaad Kala Qayb Qaadanaya Metelayana Madaxweyne Obama

Washington 07.March 2014 (SDN)-  Jilaaga Soomaaliyeed ee Barkhad Cabdi,ayaa filimkii labaad  kala qayb qaadanaya shirkadda caanka ah ee soo saarta Filimadda ee Hollywood,filimka labaad ee uu ka qayb qaadanayo ayuu ku metelayaa Madaxweynaha dalka Maraykanka Brack Obama.

barkhadFilimka cusub ee ay soo saarayso shirkadda Hollywood isla markaana uu ka qayb qaadanayo jilidiisa Barkhad Cabdi ,ayuu magaciisu yahay Sweet brown,

Filimkan ayaa laga matali doonaa qiso dhab ah oo ka dhacday magaalada Oklahoma City oo ku taalla Maraykanka ,

Brkhad ayay filimka kala qayb qaadanayaan  ama la jilayaan filim metelayaal caan ah oo sumcad ku leh  jilitaanka Filimada,waxaanu fililmkani u noqonayaa Barkhad Cabdi Filimkii labaad ee uu wax ka metelo,taasoo  u noqonaysa Barkhad inuu hore ugu sii socdo ka qayb galka filimada ay soo saarto shirkada Hollywood.

Waxaana ka mid ah jilayaasha kala qayb qaadanaya Queen Latifah oo jileysa Sweet Brown, Adam Driver oo jilaya Steve Jobs,waxaana filimka laga sii dayn doonaa Telefishinka ABC iyo waliba Youtube-ka oo si toos ah looga wada  daawan doono adduunka oo dhan.

Barkhad Cabdi oo ka hadlayay filimka, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay kaalinta uu ka ciyaari doono, isagoo xusay inuu ku riyaaqayo waayihiisa Hollywood-ka, maadaama waqti badan ay ku qaadatay inuu yimaado Maraykanka.

Sweet Brown oo magaceeda runta ah uu yahay  kimberly ayaa caan noqotay sanadkii 2012-kii ka dib markii ay ka soo bad-baadday dab ka kacay dhismahii ay degenayd subaxnimadii aroortii ee 7-dii April maalin sabti ah.

Ugu danbayntii Jilaaga Soomaaliyeed Barkhad Cabdi ayaa ku soo caan baxay filinki Captain Philips ,kaasi oo laga sameeyay burcad badeedda Soomaaliya ,isagoo intaa ka dib helay taageero badan oo ay muujiyeen qaar kamid ah jilaayaasha ugu caansan Hollywood-ka sida Tom Hanks oo filmkaas ay wada mataleen.

Washington SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed