Dowladda Puntland oo ka shiraysa waxqabadka 5-sano ee Soo Socda SAWIRO
Garowe 07,March 2014 (SDN)- Gollaha xukumadda Puntland ayaa maanta u fariistay sidii looga shiri lahaa waxqabadka shanta sano iyo waliba qaabka loo wajahayo.
Shirka waxaa kasoo qayb galay madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdilaahi Camey wuxuna ka dhacay hoolka shirarka Jaamacadda Puntland State Universtiy ee magalada Garowe.
Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in looga baahan yahay oofinta balanqaadkii umadda Puntland loo muujiyay xiligii lagu gudo jiray doorashada madaxtinimada wuxuna tilmaamay in xooga lagu saari doono shirka soo bandhigista qorshaha waxqabad.
Wasiiradda ayaa shirka kasoo jeedinayay khudbado la xariira waxyaabaha ay xooga saari doonaan sanadka 2014 iyo sida loo wajahayo taasoo ay ku tilmaameen inay qayb ka tahay muujinta karti iyo shaqo hufan.
Dr.Gaas ayaa balan qaaday inuu la imaan doono is-badal ballaaran oo ay dadku u baahan yihiin lana qaban doono shirwayne ballaaran oo looga arrinsanayo xaalada Gobalka Sool.
Maalinta barito ah ayaa lagu wadaa in qodobo la isku raacsan yahay shirka laga soo saaro kaasoo saldhig u noqon doono waxqabad Puntland ka aflaxa.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com