|

dadkii dilka foosha xun u gaystay Ruqiya Siciid Ayaanle oo la filayo in maalinta Bari ah Maxkamadda Laga Xaadiriyo

Hargaysa 07.March 2014 (SDN)- Eedaysanayaashii loo    haystay Haweenaydii sida foosha xun loogu dilay Todobaadkii hore magaalada Hargaysa ee Ruqiya Siciiid Ayaanle,ayaa la filayaa in maalin tasabtidda ah ee bari la hor keeno maxkamadda.Sida uu goor dhawayd u xaqiijiyay Shabakadda caalamiga ah ee qurbejoogta Md. Siciid Cabdi Ayaanle oo aanu khadkaTelafankaku helay.ma uu bixin faahfaahin kale laakiin waxa uu noo sheegay in barri marka maxkamadda la keeno ay warbaahinta la hadli doonaan.

Shacabka reer Somaliland ayaa si weyn ugu dhegtaaya waxa laga yeelo Haweenaydan lagu eedaynayo falkan ugubka ku ah Bulshadda.waxaana jirtay in badiba Culimadu ay maanta kaga hadleen masaajiidda falkan isaga ah,iyaga oo dadka hogaanka dalka hayana usoo jeediyay inay ka hortagaan in aan jidkaasi waddo halaq noqon oo talaabo Bulshadda wada qancisa ay ku dhaqaaqaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed