|

Xubno somaliyed oo ka tirsan xisbiga SV, oo kulan la yeeshay wasiirkii hore hormarinta Norway

Oslo Mar 07,2014(SDN)-Siyaasiyiin ree Norway ah oo ka soo jeeda xisbiga SV -Social Left Party ayaa shir la yeeshay wasiirkii hore ee hormarinta Norway, mudane Heikki Holmås Eidsvoll. Imikana ah xubin ka tirsan barlamanka Norway.

Kulankan ayaa ahaa mid lagaga arinsanayay, sidii  wax looga qaban lahaa dhibatooyinka haysta somaalida ku dhaqan dalkan Norway. Dadka somaliyeed ee dagan dalkan Norway oo aad moodo inay ka hormar hooseeyaan dadka kale ee ajaanibka ah.

Qodobada kale ee shirkan lagaga wada hadalay ayaa waxa ka mid ahaa sidii dawlada Norway ay gacan uga gaysan lahayd hormarka Somaliland iyo Somaliya. Mudane Heikki Holmås, wuxuu carabka ku dhuftay inay qorshaha ugu jirto, inay booqasho ku tagi doonaan Somaliland, Somaliya iyo Puntland sanadka soo socda.

Waxa kale oo mudane Heikki Holmås, sheegay inay dhawaan la kulmi doonan wefti ka socda Somaliland, oo  ay ka mid yihiin, xubno goolaha wasiirada ka tirsan iyo duqa magaalada Hargeisa. Weftigan oo u qorshaysan  inay ku soo horeeyaan dalka Swedan.
Screenshot_2014-03-06-17-50-42-1
Screenshot_2014-03-06-17-48-32-1
Madaxa isku xidhka ajaanibka iyo Social Left party, Oslo

Deeqa Axmed Cumar

Comments are closed