Shabaabka Oo Degmada Ceeldheer Ku Soo Rogay Bixinta Lacag Gaadhaysa $100.000 iyo Shacabkii Oo Qax Miciinsaday
Ceeldheer:07-March-2014(SDN)-Wararka laga Helayo Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Dadkii shacabka ahaa ee Halkaas Deggenaa intoodii Socon Karaysay ay iska Carareen kadib markii ay Kooxda Al-shabaab ku soo Rogtay inay Bixiyaan Cashuur Gaadhaysa ilaa $100.000.
Masuuliyiinta Ururka Alshabaab ayaa la sheegayaa inay Amarkaas soo Rogtay 10-kii Bishii Feruary ee dhammaatay, waxana ay u qabteen in lacagtaas lagu soo Ururiyo ugu dambayn 28-Kii isla-bishaas Feruary.
Shacabka ayaan wali lacagtaas bixinin, maadaama ay Tahli kari waayeen, waxana Haatan la Sheegayaa in dadka Intoodii Socon karaysay ay Magaalada iska Carareen, maadaama ay Suurogal tahay in ay ciqaab kala kulmaan Kooxda Alshabaab oo lacagtaas sugaysa.
Wararka aanu Helayna ayaa sheegaya in inta badan Odayaashii iyo waxgaradkii Magaaladu si Hoose u Baxsadeen, maadaama cidda hadhaw lacagtaa lagala xisaabtamayaa ay iyaga Tahay, isla-markaana Markii hore iyaga lagala Shiray inay lacagtaas soo Ururiyaan oo keenaan balse aanay haatan haynin wax lacag ah.
Dadkii ganacsiga ku lahaa Halkaas ayaa iyaguna xilli hore ka yaacay Magaalada, waxana ay u qaxeen Magaalooyinka kale ee ay Gaadhi karaan.
Kooxda Al shabaab ayaa la sheegayaa inay lacagahan uga Dan leeyihiin inay ku daryeelaan Ciidankooda, isla-markaana ugu diyaargaroobaan Weerrarada iyo Dagaalada ay kaga soo horjeedaan Dawladda Federalka ah iyo ciidamada Shisheeye.
Lacagtan ay Kooxda alshabaab shacabkan ka Doonayso ayaa ah mid aad u xaddi badan, waxana ay keentay in la Waayo qof kaliya oo xataa wax ka mid ah Bixiya, waxana Haatan la Sheegayaa inay Halkaas ku Hadheen oo kaliya Dadkii aan socon karaynin ee jilicsanaa, iyadoo laga Cabsi qabo inay Kooxdu dhawaan xidhxidho Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaankaas, si ay u hesho waxyaabaha ay Doonayaan.
S.D.N