Wasiir Xaglo-Toosiye Oo Dirqi Hargeysa Lagu Keenay Iyo Qoddobada Biyo-kama Dhibcaanka ah ee uu Tegitaankiisa u Daliishaday
Hargeysa:07-March-2013(SDN)-Dawladda Madaxweyne Siilaanyo ayaa la Tiicaysa Duufaano kaga Furmay Ninka Tiirka uga ah Dhinaca Gobolada ee Xaglo-toosiye oo uu Khilaaf xooggani soo Kala dhexgalay.
Wasiir Xaglatoosiye ayaa Cadho Darteed Socdaal kaga Baxay Magaalada Hargeysa, waxana isaga oo Burco sii Socda Laga Daba Diray Ergo soo Ladqabaysa kuwaas oo la sheegayo inay ku Guulaysteen.
Xubnaha Wasiirka laga Daba diray ayaa waxa ugu Horreeya Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Ciyaaraha, waxana la sheegay inay Aakhirkii u hirgashay soo Qabashadiisu.
Tibaaxaha ka soo baxaya kulanka wasiiraddu la yeesheen xagla toosiye oo ka dhacay Hotelka Blaza ayaa la sheegayaa in uu ku dacwooday in aanay xukuumaddu waxba ka fulin Heshiiskii lala galay markii uu Somaliland imanayey, kaasoo ka koobnaa dhawr iyo Toban Qoddob.
Qoddoabada Heshiiskaas waxa uu xagla toosiye sheegay in uu dhawr jeer kala hadlay madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wasiir Xirsi balse aan marnaba waxba laga fulin, iyadoo fulin la’aanta qoddobadaas uu ku tilmaamay sababta uu u qaban kari waayey hawlo badan oo ay ugu muhiimsan tahay in uu ku laabto deegaanada beeshiisa si uu Somaliland ugu soo xidho.
Sidoo kale, waxa wararku sheegayaan Wasiir Xirsi iyo Taliye Ismaaciil Shaqale in ay isku maandhaafeen illaa sadex Boqol oo Askari oo loo qarameeyey oo ka mid ahaa Qoddoabad heshiiska isaga iyo Somaliland dhex maray, kuwaas oo laga jaray Mushaharadii iyo raashinkii lagu siin jiray.
Cadhada ugu badan ee Wasiir Xagla Toosiye oo ahayd lacagtaas Ciidanka oo isaga toos ugu dhici jirtay ayaa la sheegayaa in ay ku kala fog yihiin isaga iyo Taliyaha Ciidanka qaranka iyo wasiir Xirsi oo mar horeba gadh-wadeen ka ahaa soo xero galinta Xagla toosiye waxaanay labadooduba ku doodayaan maadaama oo aanay jirin Ciidan Reer Buuhoodle ah oo meel lagu ogyahay in aan lacagtaas la bixinayn.
Taliye Shaqale waxa uu sidan oo kale ka jaray lacagihii lagu bixin jiray Ciidan Beeleed Fuqi fuliye loogu qarameeyey ninkii la odhan jiray Ina Uur-bayte, kaasoo lacagihii loo qoray kala soo jeestay Garoowe ilaa hadana illaa laba boqol iyo toddobaatan ka mid ahi lacagtoodu u socoto.
Khilaafkan ayaa inta Badan Madaxtooyada ka Bilaabbmay, waxana arrinta Huriyey Wasiir Xirsi oo Taliye Shaqalle ku Amray inaanu wax lacag ah oo dambe siinin Wasiir Xaglatoosiye iyo Abaanduule Calas oo isaga Qudhiisu haatan Cadho kaga Maqan shaqadisii.
Sidoo kale Heshiiskaas ayaa waxa ay shacabku la Yaaban yihiin waxa uu Wasiir Xaglatoosiye u soo kordhiyey Somaliland, maadaama aanu wali tegin Magaaladii uu ka soo Jeeday ee Buuhoodle.
Lama Garan karo waxa lagu Dhamayn Doono Dhibaatada Cusub Ee Soo Kala Dhexgashay Wasiirkan xaasaasiga u ah Xukuumadda iyo Dawladda Madaxweyne Siilaanyo, waxase Xaqiiqo ah inaan Daawo Waarta loo Heli doonin maadaama ay salka ku Hayso arrimo la Xidhiidha dhinaca Adduunka iyo lacago La lagu Qaato ciidamo Caaglayaal ah oo aan jirin.
S.D.N