|

Dawladda Kenya Oo Sheegatay Inuu Afhayeenkii Ururka Al-shabaab Ku Dhintay Weerar Xagga Cirka ah

Baardheere:07-March-2014 (SDN)-Dawladda Kenya ayaa Markii ugu HOrraysay War aan la Xaqiinin ka Sheegtay Afhayeenka Ururka Alshabaab Sheekh Cali Dheere, iyagoo sheegay inuu ku Dhintay Weerar Xagga Cirka ah oo hore loogu Qaaday Xarumahha Ururka.

 

maallllllSarkaal sare oo Reer Kenya ah ayaa Warkann ku Dhawaaqay, balse ma Jirto wax war cad  ah oo xaqiijinn karraa.

Wargeysyada ka soo baxa Kenya oo warkan saaka qoraya ayaa soo xignaya afhayeen u hadlay ciidamada Kenya Major Emanuel Chirchir, oo sheegay in la dilay Cali Dheere, uuna u geeriyooday dhaawac soo gaadhay laba bilood ka hor.

Cali Dheere ayaa Kenya waxa ay leedahay in uu u dhintay dhaawac ka soo gaadhay weerarka ciidamada cirka Kenya ay ka gaysteen degmada Baraawe ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Cali Dheere ayaa ka mid ah ragga sidda weyn loo raadinaayo ee kooxda Ka Tirsan, waxana inta badan uu Sheekh cali dheere ku Tiiktiikhsadaa Kooxaha ay is Hayaan marka ay Weerar ku Qaadaan xurumaha hore ugu cayinaa.

Warkan  ay Kenya sheegatay ayaa soo Baxaya xilli uu sheikh Cali Dheere shalay uun ka Hadlayey Idaacad ku Taalla Muqdisho, isagoo Digniino horleh u soo Jeediyey Kooxaha ay sida weyn iskaga soo Horjeedaan.

Sheekh cali Dheere ayaa safka Hore kaga Jira Weerarka xagga afka ah ee Kooxda Al-shabaab, waxana uu Warbaahinta Mariyaa Warar inta Badan aanay Jeclaysan Dawladda Federalka ah iyo kuwa la Jaarka ah Somalia.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed