|

Beesha Murusade oo sii adkeeyay Kalsooni kala noqoshada Dowladda(SAWIRO)

Muqdisho Mar 07,2014(SDN)-Beesha Murusade oo Beel waynta Hawiye ka tirsan ayaa meel adag kusii xirtay Go’aan ay horay u gaartay oo ahaa inaanay la shaqaynayn Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Waxgarad Beesha kasoo jeeda oo isugu jira Xildhibaanno, Siyaasiyiin, Odayaal dhaqan iyo Aqoonyahanno kale ayaa Maanta Kulan ku yeeshay Hodheelka Amiira ee Muqdisho, halkaas oo ay ka sheegeen inay Beeshu kusii adagtahay Go’aankeeda ku saabsan Kalsooni kala noqoshada Dowladda Federaalka.

Beesha ayaa Go’aankan gaartay ka gadaal markii ay dhawaan Xubno iyada matalaya oo Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin isugu jira ay ka shireen Arrimo la xiriira Cabashooyin ay Beeshu ka tabanayso Dowladda.

Waxgaradkii Kulanka Maanta ka qayb galay ayaa intoodii Goobta ka hadashay waxay ku nuux nuuxsadeen sida uu lama taabtaanka u yahay Go’aankooda Kalsooni kala noqoshada Dowladda, iyagoo si xoojiyay Dhaliilaha iyo Cabashooyinka ay Dowladda u hayaan.

Waxaa arrimahan ka hadlay, Cabdullaahi Sheikh Dahir oo Waxgaradka Murusade ku jira, isagoo Warbaahinta u sharraxay Shirkii Maanta iyo adkeynta ay Beeshu adkeysay Go’aankeedii Kalsooni kala noqoshada Dowladda.

Murusade waxay Kulankooda Maanta isulan  garteen, in lasii wado Kulamada ceynkan ah ee lagu adkeynayo Go’aanada ay Beeshu ku fogeyneyso la shaqaynta iyo Kalsooni siinta Dowladda, sida uu Warfidiyeenka u sheegay Cabdullahi Sheikh  Dahir.

Inkastoo ay Beeshani markii Labaad si adag ugu dhawaaqeyso inaanay Kalsooni ku qabin Dowladda, hadana wali ma jirto Tallaabo ay Dowladdu u qaadday wax ka qabashada Cabashada Beeshan.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed