|

Jilaaga Soomaaliyeed ee Barkhad Cabdi oo Dhaqaale xumo soo wejahday iyo mushaharkii uu ku qaatay Captain Philips

Hollywood Mar 06,2014(SDN)-Jilaaga Soomaaliyeed ee Barkhad Cabdi ayaa sida ay daabacday barta Internet ka ee Yhe New Yorker waxa soo wejahday xaalad dhaqaale xumo oo sababtay in uu ka shaqeeyo dukaan telephonada lagu iibiyo oo ku yaal Minneapolis.

Maqaalka New Yorker ka ayaasidoo kale waxa uu lagu sheegay in lacagta Filmka Captain Philps lagu sameeyay aduun dhan $55 million oo dollar oo aad u yar kolka la eego aflaamta Hollywood.

Filmka ayaa ilaahaatan ka soo xareeyay caalamka oo idil aduub dhan $ 218 million oo dollar.

Barkhad ayaa u sheegay the new yorker in uu filkmka ku jilay lacag  in yar uun ka sareysa lacagaha loo qoondeeyay jilaayada aflaamta caalameiga ah oo ah $ 60 000,Barkhad ayaa mushahrkiisu ahaa  $65 000.

Jilaagan Soomaaliyeed ayaa maqaalka lagu sheegay in xiliyadii kala duwanaa ee uu ka qeybgalayay xafladaha loogu tartamo abaal-marinta jilaanimada ay Sony oo ah shirkada Filmka Captain Philips ka bixineysay kharashka.

Barkhad ayaa sidoo kale waxa uu u sheegay the new yorker in saxiibkii oo ah wade Taxi uu xafladaha ugu kexeeyo bilaa kharash.

SDN-Hollywood
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed