Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomalaiya oo soo jeediyay nidaam cusub oo Shabaabka lagula dagaalamo
Muqdisho Mar 06,2014(SDN)-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay hab cusub oo lagula dagaalamo xoogagag kooxda Al Shabaab.
Xildhibaan Mahdi Cali Cusmaan oo saxaafada Magaalada Muqdisho u sharaxay qorshihiisan cusub ayaa ahaa hadal heynta u badan ee magaalada Muqdisho maalmihii ina dhaafay.
Xildhibaanka ayaa soo jeediyay in gebi ahaanba inta awooda in ay hub qaado la tababro lana hubeeyo deetana ay dagaal la galaan kooxda Al Shabaab ee loo caal waayay.
Xildhibaan Mahdi ayaa soo jeediyay in dadka rayidka ah loo tababro la dagaalnka Shabaabka si qarsoodi ah deetana xogtooda la xafido.
“Dahbtu waxa ay tahay in dibada loo soo saaro shicibka qariya Shabaabka taas oosababta in amnigu ahaado mid liita”ayuu yiri xildhibaanku.
Hadalka Xildhibaan Mahdi Cali Cusmaan ayaa ku soo beegmaya xili ay kooxda Shabaabku dib ugu soo xoogeysanayaa goobo hore looga saaray.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com