Hay’ada QM u qaabilsan Caafimaadka ee WHO ka warbixisay dhibaatada Sonkorta
NY March 06,2014(SDN)-Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka ayaa warbixin ay soo saaratay waxa ay uga hadashay muhiimada ay leedahay hoos u dhigida Sonkorta raashinka lagu kariyo.
Hay’adu waxa ay sheegtay cunida raashinka Sonkortu ku badan tahay in ay sababto cuduro halisa oo laaya dad aad u tiro badan sanad walba.
Warbixinta ayaa sheegtay in ruux walba uu haatan cuno maali walba raashin lagu kariyay in ka badan 12 qaado oo sonkor ah taas oo halis ku caafimaadka biniadaamka.
Warbixintu waxa ay sheegtay in cunida raashinkaasi ay sababto keenida cuduro badan oo laaya dad badan oo ay ka mid yihiin Wadno xanuunka,macaanka iyo qaar kale oo faro badan.
Hay’ada Qaramada Midoobey caafimaadka u qaabilsan ee WHO ayaa soo jeedisay in dadku aaney maalintii qaadan raashin ay ku jirto in ka badan 6-7 qaado oo Sonkor ah.
Arintan ayaa aad u adag bacdamaa cabitaanada oo qura ay ku jirto beryahan danbe sonkor aad u badan.
SDN-NY
contact@somalidiasporanews.com