Beled Xaawo oo lagu qabtay Ajaanib doonayay in ay Shabaabka ku biiraan
Beled Xawo Mar 06,2014(SDN)-Ciidamada dawlada ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay gacanta dhawaan ku dhigeen Ajaanib damacsanaa in ay ku biiraan kooxda Al Shabaab ee ay dagaalka kula jiraan.
Guddoomiyaha Degmedda Beld Xaawo Maxamed Cabdinuur Beexaani oo saxaafada uga waramay qabashada ragan ayaa ka gaabsaday in uu shaaciyo ragan ay hayaan magacyadooda.
“Ragan aanu qabanay waa qaar dhawaan isqoray Shabaabka oo cusub waxaaney ku so jeedeen degaanada Gedo ee weli Shabaabku ay ku sugan yihiin “ayuu yiri Beexaani.
Guddoomiye Beexaani ayaa intaa raaciyay in raga ay hayaan ootiradoodu laba tahay ay u dhasheen Zanzibar isla markaana ay haatan ku jiraan xabsiga magaalada Beled Xaawo.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay oo kale in ay dawlada Soomalaiya ku wargeliyeen ragan ay hayaan isla markaana ay dhawaan masuuliyadooda ku wareejin doonaan.
Xadka labada dal ee Soomalaiya iyo Kenya ayaa waxa buux dhaafiyay ciidamo sugaya amaanka xadka isla markaana wada baaritaano lagu hubinayo cid walba oo damacda in a isaga gudubto labada dal.
SDN-Beled Xawo
contact@somalidiasporanews.com