|

Labadii Shir Ee Baydhabo Iska Garab Socday Oo Maanta Midna Madaxweyne Loo Dooranayo Midna Loo Dhaarinayo

Baydhabo:06-March-2014(SDN)-Kooxda Shirku uga Socdo Magaalada Baydhabo ee ujeeddadoodu tahay inay Saddex Gobol Samaystaan ayaa la Sheegayaa inay Maanta u Ballansan yihiin doorashada Madaxweynaha.

baygaaaKooxdan oo Doonaysa inay Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose Maamul Goboleed u sameeyaan, ayaa Doonaya inay Doorashadooda Maanta Soo Afjaraan.

Qaban qaabada doorashada ayaa xalay illaa iyo maanta ka socota Baydhaba iyadoo aan la shaacin musharixiinta M/weynaha maamulkaas balse waxaa la sheegay in Shariif Xasan Shiikh Aden oo ka mid yahay musharaxiinta.

Doorashadan ayaa waxa ay tahay mid ka soo horjeeday doorasho ka horeysay oo dhawaan ka dhacday Baydhaba kaas oo lagu doortay M/weyne hogaamin doono lix Gobal oo ay ka mid yihiin sadaxda gobal ee maanta M/weynaha iyagana sameysan doono.

Illaa iyo hadda lama oga sida ay noqon doonto xaalada magaalada Baydhabo maadaama magaalada lagu dhisay laba maamul oo sheeganaya in iyaga ay ka taliyaan gobalo ka mid ah koofur galbeed Somalia.

 

Dhinaca kale kooxdii lixda Maamul-goboleed wadatay oo Hore madaxweyne u Dooratay ayaa iyaguna Maanta ku Talo Jira inay  Dhaariyaan Madaxweyne Madoobe Nuunow ooh ore loo Doortay.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed