“Waar dadka Beelaha Awdal ka soo Jeedow si Degdeg ah Hargeysa uga Soo Baxa waa Digniin tallaabaanu Qaadanayaaye ogaada, Gabiley iyo Wajaalena Nabad Ahaan Maayaan oo Dila ayey………” Dhibannayaasha Dilkii Seemaal
Borama:06-March-2014(SDN)-Qaar ka mid ah Ehelladii iyo Qaraabada Dadkii Lagu Laayey Deegaanka Seemaal, ayaa si Adag ugu Hadlay Natiijoxumada ka Haysata Kiiska Dadkaas Lagu Laayey.
Odayaal, Dhallinyaro iyo Waxgarad Beesha Dila ka soo Jeeda oo Dadkoodii lagu Laayey Seemaal oo SHalay Saxaafadda La Hadlay, ayaa Cabasho ka Muujiyey caddaalad xumo ay Ka Tirsanayaan Dawladda oo aan wali wax Tallaabo ah u qaadin sidii Dadkii Dilkaas galay loo soo qabqaban lahaa.
Yuusuf Daahir Ibraahim oo ka soo Jeeda Degmada Dila, isla-markaana ay Ehelladiisu Ka mid ahaayeen Dadkii la Laayey, ayaa si kulul u sheegay in Xasuuq Ba’an oo Dadkiisii si Isdaba joog ah loogu Geystay uu Haatan Heer heer aanay u sii Dul qaadan Karin,
“ Waxan waxa keenay Caddaalad la’aan, is aaminaadina somaliland kama jirto Dadkayagii Shalay la Xasuuqay ee La Gawrgaracay seemaal, kuwii hore ee dila loogu xasuqay iyo kuwii waddada lagu xasuuqay, maanta mar haddii aan wax caddaalad ah oo lagu dhaqayaa aanay jirin, oo kuwii Metelayey noqdeen Calooshood u shaqaystayaal waa Nasiib Darro.” Ayuu Yidhi Yuusuf Daahir Ibraahim.
Waxa kale uu Yuusuf Dhaliilo u soo Jeediyey Kooxo uu sheegay inay isku Beel yihiin oo Calooshood u shaqaystayaal Noqday, isagoo ku Gooddiyey inay Tallaabo cad qaadi Doonaan, waxana uu yidhi,
“Waxan leeyahay wallaahi kuwaasi iyagoo bilaa Kaba ah ayey soo Yaacayaan Waar dadka Beelaha Awdal ka soo Jeedow si Degdeg ah Hargeysa uga Soo Baxa waa Digniin tallaabaanu Qaadanayaaye ogaada, Gabiley iyo Wajaalena Nabad Ahaan Maayaan oo Dila ayey la mid ahaanayaan”
Waxa kale oo uu Baaq cod dheer ah u diray Madaxweynaha Somaliland, isagoo Xasuusiyey inay Si Toos ah Go’aan ugu Gaadheen inay Xaqoodii Raadsadaan, waxana uu yidhi,
“ Madaxweyne Dadka dadka Dantooda ka Hadlaya ma kaxaysatid ee waxad kaxaysataa Kuwa adiga kuu shaqanaya ee inay Kabaha kuu qaadaan doonaya. Markaa Madaxweyna Haddaad Arrintaas Soo Farogelin weydo waanu Dhaqaaqnaye Ku Talo Gal”
Odayaal iyo waxgarad kale oo iyaguna Halkaas ka Hadlay ayaa Dhammaantood si cad u sheegay inay ka quusteen Caddaaladad Xukuumadda Somaliland, waxxana ay Xuseen in Samirkii ka Dhammaaday oo aanay intaas wax ka badan sii Sugi Karin.
Dadkan cabanaya ayaa Hore loo Laayey Dad ay Ehel iyo Qaraabo ahaayeen, waxana Xukuumadda oo Hore u sheegtay inay Arrinta Gebogebanaysaa aanay Wali keenin wax Natiijo ah oo la Taaban karo.
S.D.N