Qoyska Reer Faroole Maxay Ka Yidhaahdeen Dilka Wiilkoodii Shabaabku Khaarajiyeen?
Garoowe:06-March-2014 (SDN)-Dilkii ay Kooxaha Shabaabku Maalin ka Hor u Geysteen mid ka mid ah Wiilasha uu Adeerka u ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Mr Faroole ayey qoyskii uu ka soo Jeeday si cad uga Hadleen Dilkiisa.
Faarax Cabdilaahi Faroole oo ay Walaalo ahaayeen Marxuumka la Dilay ayaa Beeniyey inuu marxuumku ku lug lahaa Arrimaha Shabaabku ku Eedeeyeen.
Wuxuu sheegay in Axmed C/laahi faroole uu ahaa Nin ganacsato ah aa aan Jaajuus ahayn oo Guryo iyo Dukaamo Ganacsi uu ku lahaa koonfurta iyo badhtamaha dalka Soomaliya.
“Waxaan qirayaa in Axmed C/Laahi faroole uu ahaa Walalkey, mana uusan ahayn waxay ku tilmaameen kooxaha Nabad diidka ah ee Alshabaab, mana ahan wax laysaga hadhayo oo Nin walba reer buu ka dhashay waana la dagaalamaynaa iskana celinaynaa Kooxda Dhiigya cabka ah ee Alshabaab” ayuu yidhi Faarax uu u warramayey Qaar ka mid ah warbaahintu.
Dilka Wiilkan uu Faroole adeerka u ahaa ayaa si weyn looga Hadal hayaa Guud ahaanba Deegaanada Puntland, waxana Cabasho Badani ka Soo Yeedhaysaa Qoyskiisii oo ku Doodaya inaanu Wax Dembi ah Gelin.
S.D.N