Siyaasi Cismaan Hindi Oo Ku Baaqay In Wada Jir Looga Hawl-galo sidii ay u qabsoomi Lahayd Diiwaan gelinta Kaadhka Jinsiyadda
Hargaysa 05.March 2014 (SDN)- Siyaasiga Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa ku baaqay in si wada jir ah looga hawl-galo sidii ay ku najixi lahayd qorshaha diiwaan gelinta kaadhka Jinsiyadda iyo ka codbixiyeyaasha ee dhawaan dalka laga fulin doono.
Cismaan Cabdilaahi Cigaal waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u warramayay Wargeyska DAWAN Iyo TV-ga Qaranka, waxaanu yidhi “Diiwaan-gelinta waa wax aad iyo aad loogu baahan yahay, horumarka la sheego ayay kow ka tahay. Waayo haddii aanu diiwaan gelin dalku lahayn oo aanad dadkaaga ogayn tiradiisa wax kasta ayaa kuugu soo dhex dhuuman kara, nabadgelyadda ayay halis ku tahay. Waxbana ma qorshayn kartid. Markaa diiwaangelintu nooc ay tahayba waa lagama maarmaan waxaanan u arkaa arrin in badan innaga raagtay oo maanta ay tahay wakhtigii ugu saxsanaa in la qabto.”
Cismaan Hindi waxa uu ka digay inaan diiwaan gelinta kaadhka jinsiyadda iyo ta codbixiyeyaashuba aanay u fashilmin sidii tii hore ee la laalay, waxaanu yidhi “Waxaan ka digayaa diiwaan gelin hore ayaa innaga xumaatay oo wixii ka dhacay aynu ogayn, oo inta kaadh ee qof waliba qaatay aynu la soconay. Kharash baddanna wuu ku baxay, maanta waxaan ku dar-daarmayaa dhammaan goleyaasha qaranka iyo Hay’addaha ku shaqada leh inay arrintaasi aad iyo aad looga fiirsado oo la iska kaashado sidii ay u midho dhali lahayd.”
Cismaan Cabdilaahi Cigaal waxa uu si adag u cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee lagu khaarajiyay ALLE ha u naxariistee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanlle, waxaanu yidhi “Marka u horreysa waxaan ka tacsiyadeynayaa ummadda reer Somaliland geeridaas foosha xun ee lagu dilay ALLE ha u naxariistee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanlle, aad iyo aad ayaan uga xamahay falkaas, waxaanan soo jeedinayaa in sharciga la horkeeno cidii fulisay oo tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado.”.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com