Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka oo lugeeyay wadooyinka Kiev iyo balan qaadyo uu jeediyay
Kiev Mar 05,2014(SDN)-Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa lug ku maray wadooyinka caasimada dalka Ukraine ee dhawaanta dhiigu qulqulay ka dib mudahaaradyo dawladii hore looga soo jeeday.
Xoghayaha ayaa socodkiisa taageero ugu muujinayay dawlada cusub ee KMG ah ee dalka Ukraine dhawaanta looga dhawaaqay.
John Kerry ayaa sidoo kale dhalceyn u jeediyay dawlada Ruushka oo ciidamo ku qarqisay bariga dalka ay jaarka yihiin ee Ukraine.
“Waxa muuqata in Ruushku qorsheynayo in uu isku sii baalaariyo dhulka Ukraine,balse habdhaqankaasi ma ah mid qarnigan la jaan qaadaya”ayuu yiri Kerry.
Sidoo kale waxa uu shacabka dalka Ukraine Xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanku ugu bushaareeyay balan qaadyo.
John Kerry ayaa shacabka dalka Ukraine waxa uu u balan qaaday gacan qabad gaaraya ilaa 1 billion oo dollar si ay uga gudubto caqabado dhaqaale oo soo wejahay.
Mareykanka ayaa maalmihii u danbeeyay culeys ku saarayay xulafadiisa si ay uga fal celiyaan weerarka Ruushku ku qaaday Ukraine.
SDN-Kiev
contact@somalidiasporanews.com