|

Wiil Soomaaliyeed Oo Ku Jirey Tobanka Qof ee Loogu Raadinta Badan Yahay Canada Oo Lagu Qabtay Maraykanka

Washington:28-Feb-2014(SDN)-Ciidanka Booliska Dalka Maraykanka ayaa La Sheegayaa inay Xabsiga Dhigeen Wiil Soomaaliyeed oo Si Weyn looga Raadinayey Dalka Canada.

secriWiilkan ayaa la Sheegayaa inuu Baxsad ahaa, kana Mid ahaa Dadka Aadka Looga Raadinayo Dalka Canada iyo Waliba Maraykanka, iyadoo Loo Haysto Falal Kufsi ah oo uu Geystay.

Wiilkan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Cabadinaasir Cabdi oo 27 sano jir ah islamarkaana ka mid ah ama ku jira liiska 10-ka qofood ee ay booliiska dalka Canada ugu raadiska badan yihiin, ayaa waxaa la sheegay inay qabteen booliiska dalka Mareykanka ee ka howl gala xaduudka u dhexeeya dalalka Canada iyo Mareykanka xilli uu wiilkaas Soomaaliga ah uu damcsanaa inuu lug kaga gudbo xaduudka buundada loo yaqaan Rainbow Bridge  si uu u Galo Maraykanka.

 

Wiilkan  oo si aad iyo aad ah looga doonaayo dalka Mareykanka ka dib dambiyo dhowr ah oo ka mid ah kufsi uu geystay ayaa waxaa uu in mudo ahba uu ku dhuumaaleysanaayey dalka Canada iyadoona ay dhawaantan liis uu ku jiro wiilkaasi ay soo saareen booliiska dalka Canada oo ay ku weydiisanayaan shacabka dalkaas inay ka caawiyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

 

Ugu dambeyntiina iyadoo wiilkan Soomaaliga ah ay gacanta ku dhigeen booliiska dalkaas Mareykanka ayaa waxaa uu warku sheegayaa inuu  asagu isu dhiibay booliiska jooga xaduudka u dhexeeya dalka Canada iyo Mareykanka, ka dib markii uu ka baqay in la aqoonsado.

Af hayeen u hadlay booliiska dalka Canada oo lagu magacaabo Andrew Lawson ayaa waxaa uu sheegay in sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska dalka Mareykanka uu u xaqiijiyey inuu wiilkaas Soomaaliga uu sheegay inay is dhiibidiisa ay ka dambeysay ka dib markii ay dhawaantan booliiska dalka Canada ay faafiyeen sawiradiisa.

Wiilkan Soomaaliga ah oo heysto deganaansho dalka Mareykanka oo aan heysan dhalashada dalka Mareykanka ayaa waxaa laga yaabaa hadii lagu helo dembigaas marka uu xabsigiisa dhamaysto in loo musaafuriyo dalka Soomaaliya.

Source: Allbanaadir

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed