Xisbiga Waddani ayaa u qabtay Xaflad soo dhaweyn ah Dallad ay ku Bahoobeen ardayda Jaamacadaha Somalilnad
Hargeysa Feb 27,2014(SDN)-Waxa maanta lagu qabtay Hotel Amassador ee Magaaladda Hargaysa Kulan balaadhan oo lagu soo dhaweynayay arday kala matalaysay 10 Jaamacadood oo Somalind ka dhisan oo sheegay inay smaysteen Dallad guud kuna biireen Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.xafladan oo ay kasoo qeyb galeen Gud.
Xisbiga Wadani ahna Gud. Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro,Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga, Xog-hayaha Guud ee Xisbiga,Xidhibaano,Gudoomiyaha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaran Muj: Xasan Guure,Ardayda Jaamacadaha,Haween iyo marti sharaf aad u fara badan.
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo halkaasi Khubad ka jeediyay ayaa ugu horaynba soo dhaeeyay Dhalintan Maskaxda iyo Maanka Fayaw leh ee ku bahoobay Dalladan,isaga oo balanqaaday inay maanta laga bilaabo taladda Xisbiga ay wax ku leeyihiin,cidina aanay ka xigin.waxa kale oo si adag uga hadlay isku day kasta oo lagu doonayo in mudo kordhin lagu sameeyo.waxaana uu ku eedeeyay in Xubno ka tirsan Xukuumaddu ay dabada ka riixayaan Mudo kordhin lagu sameeyo Doorashinka dalka ku soo fool leh.
Waxa ugu horayn halkaa ka hadlay Xil.Rayte oo ka tirsan ee Xildhibaanadda Golaha Wakiilada.waxaana uu soo dhaweynta Ardayda ka sokow oo meel adag iska taagay mudo kordhin loo sameeyo Xukuumadda taladda maanta haysa.isaga oo sheegay in umadani ka gudubtay Xiligii mudo kordhinta.waxaana hadladiisii ka mid ahaa “waxaan maqlayaa oo la hadal hayaa oo lala guuxayaa in muddo kordhin la sameeyo. Muddo kordhis waa xaaraan baanu qabnaa. Sannadka iyo badhka u hadhay ayaa umadda dhib ku ah.yaan umadda waxaanay doonayn lagu qasbin”.
Isaga oo Xildhibaanku hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in marka ay mudada la doortay madaxweynuhu dhamaato ay Diyaar u yihiin tartan,cidii la tartamaysaana ay banaanka iskeento. Wuxuuna yidhi “ sannadkaa iyo badhkaa Madaxweyne Siilaanyo la doortay waanu sugaynaa. Cidii lana tartamaysana waanu sugaynaa”.
Waxa isna halkaa ka hadlay Gud. Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbigaasi Md.Axmed Muumin Seed,ayaa sheegai inay si weyn usoo dhaweynayaa in aqoonyahankii dalku ay maanta ku soo biiraan.waxaana uu si aad ah uga dayriyay Xaaladda Waxbarsho ee dalka,gaar ahaana Waxbarashadii Dugsiyada hoose oo uu sheegay in ay Xukuumaddu haatan maagantahay inay hoos gayso Dawladaha hoose oo tilmaamay inay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan Nadaafadii magaaladda.
Ugu danbayntiina waxa soo Gunaanaday Gud. Xisbiga Wadani oo sheegay inay jiraan dad hagal daacinaya in Doorashadu ay ku qabsoonto Wakhtigii loo asteeyay,balse uu ku Kalsoonyahay in Madaxweynuhu uu doonayo in Doorashadda Wakhtigeedii la qabto.
Dhinaca kalena,waxa uu ugu baaqay Haay’adaha Somaliland ka taageera dhinaca Doorashooyinka inay dedajiyaan in wixii dhinacooda ka qabya ah ay soo dhamaystiraan.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com