Guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta Qareenada Somaliland oo gudoomiye dooratey
Hargeysa 27.Feb 2014 (SDN)-Gudida Ruqsad Bixinta iyo Anshax-marinta Qareenaddu waa mid ku xusan, fadhigoodii ugu horeeyey qabsadey tan iyo intii la ansixiyey Wax ka bedelka iyo Kaabistii ay Baarlamaanku ku sameeyeen xeerkaasi isla markaana uu Madaxweynuhu saxeexay sanadkii hore badhtamihiisii. Waxaana jiray khilaaf wasaaradda Cadaaladda gudaheeda ka jiray oo dib u dhac ku keenay hirgelinta gudidan iyo dhaqan-gelinta Wax-ka-bedelka xeerkanba.
Hadaba, maanta ayuu qabsoomay fadhigii ugu horeeyey ee gudidaasi yeelato, waxaanay gudoomiye u doorteen garyaqaan Yuusuf Kirix Cawad oo kamid ah Ururka Qareenadda Somaliland isla markaana ah aqoonyahan mudo dheer siyaasada Somaliland kusoo dhex jiray. Yuusuf Kirix ayaa gudida isla qaateen inuu gudoomiye noqdo maadaama uu xeerku dhigayo in 2-da xubnood ee ka socda Ururka Qareenadu midkood noqdo gudoomiyaha gudidan. Waxaana hore u jiray is af-garad uu Ururka Qareenadu hore isula meel dhigay in Yuusuf Kirix maadaama oo aanuu xubin ku mashquulsan dacwadaha laga galo maxkamadaha, isla markaana yahay aqoonyahan khibrad maamul leh uu dhex-dhexaad u noqon karo qareenadda oo dhan, laguna aamini karo ruqsad bixinta iyo anshax-marintaba inuu hormood ka noqdo.
Faahfaahin Gudida Ruqsad Bixinta iyo Anshaxmarinta Qareenadda
Qodobka 16aad ee Xeerka Qareenadda Somaliland (Law No: 30/2004), wuxuu dhigayaa in ruqsad bixinta iyo anshaxmarinta qareenadda ay leedahay gudi heer qaran oo la shaqaynaysa Wasaaradda Cadaaladda kana kooban 7 xubnood. Xubnahaasi waxay ka kala imanayaan meelo kala duduwan oo kala ah:
1. 2 xubnood oo ay soo magacaabayaan Ururka Qareenadda Somaliland;
2. 2 xubnood oo uu soo magacaabayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladu;
3. 2 xubnood oo ka kala imanaya labada Gole ee Baarlamaanka (1 xubin Wakiiladda iyo 1 xubin Guurtida);
4. 1 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare oo uu soo magacaabayo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare;
Guud ahaan tiradoodu waa 7daasi xubnood, oo mudo xilleedkooduna tahay 2 sanadood. Waxa kale oo uu xeerku dhigayaa in aan xubin kasta la soo magacaabi karin laba jeer wax ka badan. Sidoo kale wuxuu xeerku dhigayaa in 2 xubnood ee ka socda Ururka Qareenadda Somaliland ay waajib tahay in midkood noqdo gudoomiyaha Gudida Ruqsad Bixinta.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com