Ra’isalwasaare Cabdiweli Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta La Filayo Inay Baydhabo Gaadhaan
Muqdisho:27-Feb-2014 (SDN)-Warar Hoose Oo Warbaahintu ka Heshay Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegayaa inuu Ra’isalwasaare Cabdiweli uu Maanta Safar Hoose ugu Ambabixi doono Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo Shirar ka socdeen in Muddo ahba.
Wararkan ayaa sheegaya in Ra’sialwasaare Cabdiweli iyo Wafti sare oo Xukuumaddiisa ka Tirsani ay Maanta Gaadhi doonaan Magaalada Baydhabo oo Shirar iska Soo Horjeedaa in muddo ahba ka soconayeen.
Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in uu la kulmi doono odayaasha iyo siyaasiyiinta ku shirsan Xarunta ADC-da iyo Hotel Bakiin, halkaasoo uu ka socdo labo shir oo lagu dhisaayo labo maamul oo kala duwan oo mid ka mid ah ay Dawladdu Taageersan tahay halka ka Kalena ay Dadka Deeganadaasi si weyn u Danaynayaan.
Shalay oo Arbaca ahayd waxa Magaalada Baydhabo Gaadhay Xildhibaano iyo Masuuliyiin sare oo Dawladda Ka Tirsan oo la Safan Shirka la Doonayo in Saddex Gobol Lagu Dhiso ee Halkaas ka Socda.
Xildhibaannada oo tiradooda lagu sheegay siddeed ayaa ujeeddada socdaalkooda ku sheegay sidii ay uga qeyb-gali lahaayeen shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waxaana ku soo dhaweeyay halkaas odayaasha ku shirsan Hotel Bakiin.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay taageersan tahay shirka maamul u sameynta saddexda gobol, kaasoo lagu wado in dhawaan lasoo gunaanado.
Ammaanka Magaalada iyo Wadooyinka Soo Gala ayaa si weyn loo Adkeeyey, waxana Magaalada Baydhabo laga Dareemayaa Saansaan Muujinaysa in Wafti culusi ku soo Fool Leeyihiin.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com