|

” Xaaji Saalax waxaa ka dhacday Dhibaato weyn. Arintaasi waxay inooga baahan tahay Go’aan Adag iyo Gacan Bir ah” Gudoomiyaha Golaha Guurtida

Hargaysa 26.Feb 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta ka hadlay Xaalada Degmada  Xaaji Saalax ee Gobolka Daadmadheedh oo habeen hore lagu dilay Taliyihii Bilayska ee Degmada X. Saalax. waxa uu tilmaamay in Arin khatar ahi ka dhacday degmadaasi islamarkaana guurtidu gurmad ka gali doonto. waxa uu sheegay in arintaasi soo noqnoqotay loona baahan yahay in Gacan bir ah wax lagaga qabto.

Saleebaan Maxamud ” Xaaji Saalax waxaa ka dhacday Dhibaato weyn. Arintaasi waxay inooga baahan tahay Go’aan Adag iyo Gacan Bir ah.Way soo noqnoqotay oo way soo noqnoqotay, waxaa iska daba tagay laba Nin oo Madax ah. Xal Reer iyo Mid qaranba way inooga baahan tahay. waxay u baahan tahay in Gacan adag oo Bir ah oo aan dib loogu noqon lagu qabto ayay u baahan tahay. waxaynu u diraynaa Wefti degdeg ah. horena waa loogu baxay oo dad badan oo faydan oo baxaya waan arkayay, inana waan baxayna iyana ha baxeen.” ayuu yidhi Gudoomiyaha Guurtida oo Mudanayaasha kula hadlay Xarunta Golaha Guurtida.

Degmada Laan-mulaaxo ayaa habeen hore lagu dilay Taliyihii Booliska ee Degmada Xaaji Saalax, Sababo la xidhiidha Aano qabiil oo ka dhaxaysay Beelo degaankaasi wada dega. Xaaladda Degmada ayaa laga shaki qabaa inay ka dhacaan Falal amni daro oo aar goosi la xidhiidha. weftiyo Xukumadda iyo Madaxdhaqameed ah ayaa ilaa shalay degaankaasi u baxayay, kuwaasi oo Burco iyo Hargeysa ka tagayay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed