|

Al Shabaab: Turkiga cadawga Islamka ee NATO ayaa isticmaala halka aanu ku aragno waan weerareynaa

Muqdisho Feb 26,2014(SDN)-Afhayeenka kooxda Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Cali Dheere ayaa hanjebaad u jeediyay hay’adaha dalka Turkiga ee ka hawlgala dalka Soomaaliya.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in dalka Turkigu xubin ka yahay huwanta NATO oo uu sheegay in ay yihiin cadawga Islamka.

“Turkigu waa dalka qura ee Islam ah ee ka mid ah huwanta NATO oo ah cadawga Islamka.Turkiguna waa dubaha(buruska)NATO u isticmaasho muslimiinta”ayuu yir Cali Dheere.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in ay weerari doonaan Turkiga meel walba oo ay ku arkaan muwaadiniinta dalkaasi.

Afhayeenka ayaa mar uu ka waramayay gacan qabadka Turkigu u fidiyo Soomaalida waxa uu barbar dhigay daaqsinta la siiyo xoolaha la dhaqdo.

Kooxda Al Shabaab ayaa sanadkii ina dhaafay weeraray safaarada Turkiga ee Muqdisho oo ay ku dhinteen ilaa lix ruux,Turkiga ayaase sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay sii yaan Soomaaliya.

Dawlada Turkiga ayaa sanadihii u danbeeyay waxa ay Dawlada Soomaaliya gu deeqda malaayiin doolar sidoo kalena waxa ay dhiseen cubitaalo iyo dugsiyo wax lagu baarto.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed