Ciidamada Somaliland iyo Itoobiya oo Ku Hawlan soo Qabashada Gacan ku dhiiglihii dilay Taliyihii booliska ee Xaaji Saalax iyo Hub Gacanta lagu dhigay
Xaaji Saalax 26.Feb 2014 (SDN)- Hub ka mid ah qoryihii ay ku hubaysnaayeen kooxdii dishay taliyihii Booliska degmada Xaaji Saalax Marxuum-Hurre Sahal,ayaa laga helay guri ku yaalla deegaanka lagu magacaabo Balli-siciid oo ka tirsan degmadda Gaashaammo ee Kililka Shanaad ee Itoobiya oo ay xuduud wadaagaan degmadda Xaaji Saalax.
Maayerka Degmadda Xaaji Saalax Khadar Cabdi Oday ,ayaa sheegay inay ku rejo weyn yihiin inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiigleyaashii isla markaana ay wada jir uga hawl galeen ciidanka booliska kililka shanaad ee Itoobiya ee degmada Gaashaammo iyo booliska Somaliland.
Maayerka degmada Xaaji Saalax oo ka hadlay tallaabooyinka ay qaadeen iyo halka ay wax u marayaan ayaa hadalkiisa ku bilaabay. “Marka hore waxaan tacsi u dirayaa qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Marxuumka la dilay waxaanan Illaahay uga baryayaa inuu jannadiisa macaan ugu deeqo,intaa ka dib dhacdadan dilka ah aad ayaan uga hawl gallay sidaan u soo qaban lahayn kooxdaa gacan ku dhiigleyaasha ah,waxaana iska kaashaday baadigoobka ciidammada Booliska ee Somaliland iyo kililka Shanaad ee Itoobiya gaar ahaan degmada Gaashaamo oo weftigii ugu horreeyay naga soo gaadhay,imikana waxaa isoo gaadhay in sadex qori oo ka mid ah hubkii ay siteen kooxda wax dishay laga helay Balli Siciid oo ka tirsan degmada Gaashaammo,waxaana imika Xaaji Saalax ku soo socda ciidankii isku dhafka ahaa ee booliska Somaliland iyo ka kililka shanaad ee Itoobiya ee hubka soo qabtay.”
Maayer Khadar Cabdi Oday waxaa kale oo uu sheegay inay degmo ahaan ka hor tageen in reerka uu ka dhashay Taliyaha la dilay inay dhankooda wax fal celin ah sameeyaan isla markaana ay ku balameen inay dawladda ka war sugaan imikana ay ku hawlan yihiin sidii ay u soo qaban lahaayeen kooxda dishay Taliyihii Booliska degmada Xaaji Saalax kuwaasoo dilkoodu la xidhiidho aanooyin hore oo labada reer kala gaadhay isla markaana y hore ugu kala dhinteen Taliyihii Booliska degmada Oodweyne iyo Nin Ganacsade ah, dilalkaasoo uu Maayerka Xaaji Saalax sheegay inaan wax xal ah laga gaadhin oo aan la kala bogsiin labada reer.
Xaaji Saalax SDN.
Qurbejoog.com