Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya oo ka hadlay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland
Adis Ababa Feb 26,2014(SDN)-Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Itoobiya Dr Tedros Adhanom ayaa ka waramay kulan uu la yeeshay madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas oo booqasho ku jooga magaalada Adib Ababa.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Putmand C/weli Gaas ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yahay in uu ku soo noqdo magaalada Adis Ababa doorashadiisii ka dib.
Dr Tedros ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo doorashada Mr Gaas isla markaana “ay bog cusub inoo fureyso inaga iyo walaaleheen Soomaaliya.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in maamulkiisu xooga saari doono Amniga,la dagaalanka argegixisada,koboca dhaqaalaha,xoojinta nidaamka federalka iyo horumarinta bulshada.
Wasiirka arrimaha Dibedda Itoobiya Dr Tedros ayaa amaanay dooarshadii madaxweyne Gaas ee sida nabada ah taladii lagula kala wareegay,waxaanu sheegay in ay tusaale fiican u tahay gobolka oo dhan.
Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Itoobiya ayaa soo dhaweeyay qodobada horumarka ee uu madaxweyne Gaas xooga saarayo waxaanu shegay in horumarku gacan ka geysan doono xasilinta dalka Soomaaliya iyo gobolka oo idil.
Madaxweyne Gaas ayaa safarkiisii u horeeyay ku tegay dalka Itoobiya iyada oo waxyaabaha kale ee uu kala hadlay masuuliyiinta dalkaasi ay ka mid ahaayeen xaalada Gobolka Sool oo uu madaxweynuhu ku ololeeyay in uu ku soo celin doono gacanta Puntland.
SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com