Obama Oo Dhiggiisa Afghanistan Ugu Hanjabay inuu Ciidankiisa Kala Bixi Doono Dhammaadka Sanadkan
Washington DC:26-Feb-2014(SDN)-Madaxeynaha Dalka Maraykanka Barack Obama, ayaa Hanjabaad u Diray Madaxweynaha Dalka Afghanstan Xamid Krazai oo ay Haatan Isku Dhacsan yihiin.
Madaxweyne Obama ayaa Dhiggiisa Afghanistan ugu Hanjabay inuu La Soo Bixi Doono Ciidamadiisa Halkaas Ku Sugan Dhammaadka Sanadkan oo Haatan si weyn uga Shaqeeya Amniga Dalkaasi iyo Hannaanka ay Dawladdu u shaqayso.
Madaxweyne Obama ayaa fariintiisa dhanka Telefoonka ugu sheegay madaxweynaha dalka afganistan, oo hore uga soo horjeestay inuu saxiixo hishiis dhanka amaanka ah oo Maraykanku u soo Bandhigay.
Ciidamada Mareykanka ayaa ku sugnaa dalkaasi Afganistan tan iyo sanadkii 2001 markii Taliban ay la wareegeen maamulka dalkaasi.
Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa ku amray gudiga amniga Pentegon-ka dalkaasi in ciidamada dalkaasi ay isaga soo baxaan dalka Afganistan dhamaadka sanadkan
Ciidamada Mareykanka oo sanado badan ku sugan dalka Afganistan ayaa la kulmay qaraxyo iyo weeraro kala duwan oo dhanka Taliban kaga imaanayay.
Waxaa sidoo kale dhankooda ay geysteen duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen dalkaasi marar badanna ay ku dileen saraakiil ka tirsan ururka Taliban.
Arrintan ayaa waxa Keenay isku Dhac labada Maamul ah, waxana Heshiiskan ayaa Dhigaya in ciidanka Maraykanku marka ay Baxayaan ay halkaas kaga tagaan Xubno kuwa afghanistaan tababaro u sii Fidiya iyo inay Ciidamada maraykanku is difaaci karaan haddii la soo Weeraro.
S.D.N