Borama: Dhacdo Ugub ah Oo ay Ku Kaceen Afar Xildhibaan Oo Dawladda Hoose Ka Tirsani
Borama:26-Feb-2014(SDN)-Dhacdadii Ugu Yaabka Badnayd ayaa Maalintii Shalay ka Dhacday Xarunta Dawladda Hoose ee Boorama, kadib Markii ay Afar ka Tirsan Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka Degmadaasi isku Dayeen inay Dhacaan Dhakhligii Shalay ee Dawladda Hoose.
Isku Daygan oo Markii Dambe Fashilmay ayaa Looga Gol lahaa in Baabuur Bas Caasi ah lagu Qaato Lacagta Dhakhliga ah ee Dawladda Hoose ka soo Xaroota oo Hannaan Maalinle ah loogu Xareeyo Bangiga Dhexe ee Halkaasi Ku Yaala.
Sida ay Sheegayaan Wararka Gobolkaas Naga Soo Gaadhayaa Afar ka mid ah Xildhibaanada Dawladda Hoose ee Gobolkaas ayaa Tallaabadan Qaaday inkastoo aanay Noqonin sidii ay Doonayeen, waxana ay Kala Yihiin Xildhibaanadaasi.
1. xildhiban xasan miigane rayaale (xasan nimcaan)
2.xildhiban maxamed muumin aadan (kacab)
3.xildhiban mustafe maxamed xasan (xayte)
4. xildhiban mukhtaar cabdilahi ducaale (indho sheed)
Afartan xildhibaan ayaa Abaaro Kaw iyo Tobankii Duhurnimo Gaadhi yar oo Bas ah ku Gooyey Albaabka Hore ee Laga Galo Xarunta Dawladda Hoose, waxana isla markiiba Halkaas ka Bilaabmay Buuq iyo Sawaxan u dhexeeyey Shaqaalaha Dhakhli ururinta iyo kooxdii Doonaysay Inay Lacagta qaataan, iyadoo Markii Dambe uu Shacabkii Waddada Marayey ku Soo Xoomay xaalladuna is Beddeshay.
Afarta Xildhibaan ayaa markii Dambe Goobta iskaga Yaacay markii ay ogaadeen inaanay Waxba u suurogelaynin, waxana dhagaxaan ku bilaabay Gaadhigii ay Wateen Shacabkii Goobtaas Joogay, iyadoo Ciidankii Booliska ee Goobjoogga ahaana aanay tallaabo qaadin, maadaama ay tiro ahaan Aad u yaraayeen, isla-markaana u muuqdeen qaar ixtiraamaya Xildhibaanadii falka waday.
Maayarka Borama oo Saxaafaddu arrintan wax aka weydiisay, ayaa Xildhibaanadaaas ku Tilmaamay qaar u soo Biyeystay inay Dhac geystaan, waxana uu ku Gooddiyey inay Sharciga la Tiigsan doonaan oo aanay Ka Hadhi Doonin.
Khasnajiga Dawladda Hoose ee Boorama oo ahaa ninkii lacagta la isku Haystay Faraha ku Hayey Cabdi Suleex Madar ayaa isaga Qudhiisu farta ku Fiiqay isku Dayga xildhibaanada ee dhinaca lacagta dakhliga ah, waxana uu Tilmaamay inuu ku Guulaystay inuu Lacagtaas ilaaliyo.
Dhacdadan ayaa si weyn looga Hadal hayaa Magaalada Boorama, waxana Shacabku wali is weydiinayaa sababta keentay in Xildhibaanadii ay Gacantoodu ugu Codeeyeen u soo Hunguroodaan Shilimaadkii Yaraa ee iyaga laga ururiyey.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com