|

Dimuqraadiyadii curdinka aheyd ee JSL ma waxay ku soo ururtey ” Waar dhabarka ii xoqa aan idiin xoqee” ? qalinkii A/rahman fidhinle UK

Waxaa Dastuurka Qaranka Somaliland uu damaanad qaadayaa in muwaadin kasta oo Somalilander ahi  uu qaab-kasta oo uu doono  uu dareenkiisa u cabiro karo Xukuumadiisana u dhaliili karo.

Waxaa kale oo uu dastuurku uu muwaadinkasta oo Somalilander ah uu xaq-u-siinayaa in uu aragtida fikirkiisa, dhiibashada rayigiisa, cabirista maskaxdiisa, hilaadinta indheer-garadnimadiisa, abaabulka dhigiisa, sheegista iyo meel-marinta taladiisa, edeeynta iyo toosinta Xukuumadiisa uu intaba uu xor u-yahay , xaqna u-leeyahay isaga oo aan ku-talax tageyn milgaha iyo nabadgelyada ay S/land ku fadhido iyo xuquuqda muwaadinkasta  uu siiyey Dastuurka Qaranku,  Waa hadii ay inaga dhab-tahay in aynu Yab-yabano, oo kab-kabano oo yagleelano Dimuquraadigeena curdinka ah ee silan ee socod baradka ah ee ku ragaadey gacantii korin laheyd ee loo dhaariyey ee loo dirtey ee loo doortey ee lagu aanimey oo ah Xukuumada hogaanka inoo haysa.

Waxaa beryahan danbe mareegaha warbaahintu ay soo daabacayeen qoraalo iyo maqaalo ku dhiirigelinaaya in xukuumadu dalbato mudo kordhin marka uu dhamaado mudadii xilka loo igmadey. hadaba waxaan xusuusinayaa shacabka reer S/land in qudbadii sanadlaha aheyd ee Madaxweyne Ahmed Mohamed Mohamoud  Siilaanyo uu ka Jeediyey golaha baarlamaanka ee qaranka sanadkii Janaayo 2013-kii  uu dhayda kaga cadeeyey in marka kalkiisu ama 5-ta Sanadood ee la doortey ay dhamaato in aan maalin keliya loogu-darin ee uu kursiga ka degi-doono waana hadal cad oo taariikhda loogu duugay laguna diirsadey si loo naaxiyo geedi-socodka dimuqraadiga curdinka ah ee Somaliland ku fadhido.Waxaa marag ma doonto ah in hadii ay mudo kordhini timaado ay aflagaado iyo  ceeb  ku tahay geedi socodka dimuqraadiyada socod baradka  ah ee JSL. Waana ka suurto gal xukuumad xisbigeedii u xaq soori weydey ee tar tansiin weydey si  ay kursiga ugu sii negaato in ay ka war-wareegto in lala tartamo oo doorashadu ku dhacdo waqtigii loogu talo galey.

Qodobka 83-aad ee dastuurka Somaliland ayaa cadeynaaya in mudo kordhin la sameyn karo oo keliya marka ay jiraan oo keliya aafooyin qaran iyo duruufo adag oo dalka soo wajaha sida abaaro baahsan iyo dagaalo sababa nabadgelyo xumo.waxaa xukuumada Siilaanyo looga fadhiyaa in ay sida ugu dhakhsaha badan shacabka ugu soo bandhigto bayaan qorsheysan oo cadeynaaya waqtigii ay doorashooyinku wadanka ka dhici lahaayeen. Waxaase marag-madoonto ah in xidhiidh qorsheysan oo ku-sifeysan ( Waar-dhabarka ii-xoqa aan idiin -xoqee) in uu ka dhaxeeyo majooratiga sadexdii dhar-dhaar ee uu ku-fadhiyey qaab-dhismeedkii qaranka Somaliland taas oo looga fadhiyey in ay sadexdaa dhar-dhaar  isu-ahaadaan ( dabar, seeto iyo shakaal ama  (Check and Balance) laakiin ay  dabarka goosteen kuwaas oo kala ah (Golaha fulinta, Golaha sharci dejinta iyo xeer-dejinta), kala xadeynta awoodaha sadexdaa waaxood ee qaranku waxaa xusaaya dastuurka qaranka waxaase nasiib-daro ku gelgelimeysatey dastuurkii oo ceyntii iyo baydiiba jartey xukuumada Siilaanyo.

Waxaa maamul la toosin karaa marka uu ku-dhaqmo dastuurka markaa u-yaala kaas oo uu sal u yahay  talo wadaag, isqancin, isu-tanaasul, cadaalad iyo nabadgelyo. Waxaana shacabka  reer S/land ay maanta wada arkaan sida maajooratiga golaha wakiilada oo ganacsato u-badani  ay ugu xuub siibteen muxaafidiin darban oo dalabka ku shaqeeya, iyaga oo ilaa-shanaaya danahooda gaarka u ah iyo ganacsigooda dadban. Taas oo ay ku  fasaqmeen kuna milmeen golahii fulinta kadibna ay saadaashu noqoneyso in ay xukuumada hadana heshiis qorsheysan ay la galaan, waxaana heshiiskaa uu maxsuulkiisii noqondoonaa in ay Xukuumadu uJebiso golihii wakiilada mar labaad Dastuurka Qaranka Qodobkiisa 42aad  taas la saadaalinaayo in ay hadana mudo u kordhiso halkaana Xukuumada cimriga loogu dheereeyo oo shuruucdii wadanka u yaaley loogu  tunto iyada oo aan wax talo wadaag ah lala yeelan Xisbiyadii qaranka ee Mucaaridka ahaa.

Hadii aaney waqtigii loogu talo galey ku qabsoomin doorashooyinka is barkan ee fooda inagu soo haya waxaa hoos aad ugu dhaceysa oo qiimo jabeysa qadiyadii meeqaamkii, mustawihii iyo tisqaadkii geedi socodkii dimuqraadiyada JSL.taas oo shacabka reer S/land na ku noqonaysa niyad jab iyo nitaakho hakad ah oo ku habsadey guud ahaan ummadda reer  Somaliland . Waxaa kale oo ay niyad jab  ku tahay xiisihii ay muwaadiniinta  reer Somaliland  ay u hayeen duduucii iyo dabo ka riixii baadigoobkii ictiraaf raadinta qadiyada qaranka yar ee socod baradka ah ee JSL. Waxaana halkaa ku banjari doonta riyadii iyo rajadii loo hayey dimuqraadiyadii soo kob caysey  ee dawladnimada  Somaliland.
Sadexdii Sanadood iyo badhkii ay Xukuumada Siilaanyo ay hogaanka wadanka u haysey waxaa wadanka hafisey humaag qabyaaladeed, colaado degaan iyo cadaawe siyaasadeed, qaraabo kiil, quudhsi iyo xaasidnimo isireysi iyo xulafeysi kuwada saleysan taas oo aan wadanka hore u soo marin 23 kii sanadood ee Somaliland ay jirtey.Colaadahan qabyaaladeysan ee wadanka ku cusubi waxay dhaawac halis ah oo dhiig bax ah ay gaadhsiiyeen wada jirkii shacabka reer Somaliland, Wax wada lahaanshihii iyo wadaagii ay beelaha Somaliland ay wadaagi jireen daaqsinta degaanada baadiyaha ah iyo danta guud ee ka dhaxeysa.

Guntii iyo Gebo-Gebadii : Digtaytarnimadu maaha oo keliya marka xukuumadu ku dhaqanto  xadhig, dil iyo cabudhin oo keliya ee waxaa iyana digtaytarnimo noqoneysa marka” awooda qaranka ay  ku  soo ururto gacan keliya oo aaney jirin wada tashi iyo wax is weydiin”. Waxaana shardi ah in haykalkii iyo  hanaankii dawladnimo lagu soo celiyo xaydaabkii sharciga ahaa, Maa-daama ay kefedii ay Somaliland saarneyd ay maanta dheelidey oo u-dheelidey dhinacii Xaq-darada. Waxaa loo baahan yahay in kefedu u dheelido dhinaca xaqa iyo wanaaga .Waxaana aan  Xusuusinayaa Golaha Fulinta ee Xukuumada ee doobinaaya ee doogsin cararaaya  in ay dib u xasuustaan dastuurka Qaranka Qodobkiisa 129 aad Qadobkaas oo ah kii ay shacabka reer Somaliland ay Kitaabka Quraanka ah ugu dhaarteen in ay ku maamulayaan cadaalad iyo sinaan inta ay xilka ummadda u hayaan.

Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh!
Wa-Laahum-Aclam-Waa-Bilaahi-Taw-fiiq,
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/Rahman Fidhinle
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London.

Comments are closed