XISBIGA KULMIYE WUU HESHIIYEY OO WUXUU KU HESHIIYEY INAANU WALIGII HESHIIN!!
Intaanan cid kale u gudbin anigu siyaasada waan daneeyaa xisbina kuma jiro hankaygii ahaa kala doorashada iyo indha-indhaynta xisbiyada horta durba mid baa daaqadda ka baxay oo kulmiye wuxuu ii sheegay inaan la soo gali Karin, aniga iyo ciddii ila midka ahayd ee aan wali xisbi ku jirinba kulmiye waa naga xidhan yahay ee labada kale ayaanu kala dooran doonaa, qodobka noo diidayna waa kan odhanaya “in dhammaan xubnaha hogaanka xisbiga oo kala ah guddoomiyaha, afartiisa ku xigeen iyo xoghayaha guud sidooda loo daayo oo aan cidi kula tartamin isla markaana shirwaynaha dib loogu soo doorto si sharciyada loo mariyo”. Waa qodob kamid ahaa heshiiskii lagu soo afjaray khilaafkii mudada dhex miranayey xisbiga kulmiye, laakiin anigu waxaan u bixiyey heshiiskii lagu daba furay khilaafkii ee ahaa aynu heshiino oo aynu ku heshiino inaynaan waligeen heshiin.
Waayo halkaas waxaa qalad aad u wayn laga galay siyaasiyiinta ku abtirsata xisbiga ee hungurigu ka hayey hogaanka iyo talada dalka iyo meeshii uu u mari lahaa oo takoor siyaasadeed lagu unkay, waxaa kale oo tayoor siyaasadeed tirsanaya dhammaan dhallinyarada u hanka wayn xisbiga kulmiye iyo siyaasaddiisii hore ee asalka u ahayd ka qayb galinta dhallinyarada talada xisbiga iyo dalkaba iyo waliba tii ahayd furitaanka tartanka saaxad ururo iyo xisbiyo badani ku tartamaan oo hamblayadeeda uu xisbigu iska lahaa. Halkaas waxaa lagu aasay nidaamkii dimquraadiyada ku dhisnaa iyo istijaabinta iyo in maalinba qof hogaanka xisbiga lagu aamino, waxaana la ibo-furay nidaam kalitalisno iyo dhaxaltooyo ku dhisan.
Waxaa kale oo khalad wayn laga galay xeerarka dalka u dajisan ee uu ugu horeeyo Dastuurka JSL iyo xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasada Somaliland xeer Lr 14/2011. ‘Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan, waxaa reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad’ waa qodobka 9aad ee Dastuurka dalka JSL, iyadoo aynu qodobkan barbar dhigayno heshiiskan Kulmiye si cad ayuu uga hor imanayaa oo meel talo-wadaag iyo dimuqraadiyad ka jirto ma noqon doono Kulmiye dhaqan galka heshiiskan kadib, waxaanay jideeyeen in xisbigu gobolaysi iyo qabyaalad wax ku qaybsado.
‘Xisbina kama muuqan karto xeerarkiisa qodob ama qodobo ka hor imanaya Dastuurka iyo Shareecada Islaamka’ waa qodob kamid ah xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta Somaliland waxaanu heshiiiskani ka hor imanayaa Qodobka dastuurka ee kor ku xusan iyo qodobkan ee xeerka ururada siyaasada ee xeer Lr14/2011
Iyadoo la eegayo xeerarka uu ka horyimi heshiiska kulmiye waxaynu u bixinaynaa in kulmiye ku heshiiyey inaanu waligii heshiin, waayo khilaafku wuxuu si toosa u soo bilaabmayaa marka la gaadho shirwaynaha oo xubno aan xeerarka dalka u dajisan aan ogayn ama aan is barbardhig ku samayn heshiiska iyo xeerarkaasi ay damac siyaasadeedna la yimaadaan, waxaa kale oo qodob ah in wax kasta oo xeerarka dalka u dajisan ka horimanayaa yahay waxba kama jiraan (null and avoid) heshiiskanina waa waxba kama jiraan ee waa khilaaf sii abo-furmay korna ay u sii qaadeen xeerbeegtidii hawsha loo xilsaaray. Waxaana wanaagsanayd inta ayna umadda hor keenin inay bal qodobada heshiiska dhuuxaan oo cid kale la wadaagaan si shilinta iyo qodaxda uga dhameeyaan ee wixii oo aad moodo dudumo daayeer ku ciyaaray inay badka soo dhigaan may ahayn, ninbaa laga hayaa waligay la igama gar helin, oo intaanan geedka tagin ayaan gartayda akhristaa, markaa inay bahasha soo akhristaan bay ahayd.
Cudur-daar: waxaan dhamaantiin idinka raali galinayaa meelaha aad fahmi waydaan, iyo wixii khalad aad u aragteen ee qormada ku jira, ciddii dhaliil ii haysana fadlan iigu soo dir emailka hoose.
Abdillahi A. Caabi
Freelance journalist
Hargeisa Somaliland
Caabi88@hotmail.com