Maayarkii Hore ee Caasimada Eng Jiciir oo Xil Cusub ka Qabtay Madaxtooyada iyo Kulan lagaga Hadlayay Maamul Daadejinta oo Hargaysa Lagu Qabtay
Hargaysa 25.Feb 2014 (SDN)- Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa maanta Hotel Maansoor ku qabatay Shir ku saabsan wacygalinta iyo siyaasadda maamul daadajinta Qaranka iyo wadada geedi socodka dhabta ah ee lagu hagayo hirgalinta howlaha maamul daadajinta adeegyada Bulshada .
Shirkaasi oo ay ka qaybgaleen madaxa xafiiska maamul daadajinta madaxtooyada, maayarkii hore ee caasimada hargaysa Eng:Xuseen Maxamuud Jiciir , isuduwaha marshuuca maamul wanaaga ee wasaaradda arrimaha gudaha siciid C/laahi Axmed,agaasimaha waaxda qorshaynta dowlada hoose C/qaadir Jaamac Cumar iyo xildhibaano Golaha deegaanka .
Ugu horayn furitaankii shirkaasi waxa ka hadlay madaxa xafiiska maamul daadajinta ee madaxtooyada Md Xuseen Maxamuud Jiciir waxaanu sheegay in xafiiskani uu ka kooban yahay toddoba wasaaradood oo adeega bixiya oo uu madax u yahay madaxweyne ku xigeenku , waxaanu xusay arrintana maamul daadajintunu ay si fiican u socoto waxayaabo badana ay qabteen waxanu intaa ku daray mashruuca maamul dadijinta in dadweyne badan oo reer Somaliland ahi ay ka faa iideysan doonaan , waxaanu usoo jeediyay maamulada dawladaha hoose in ay la shaqeeyaan wasaaradaha xidhiidhka la leh maamul daadajinta ,waxaanu sheegay in uu ku boorinayo maayiradda dalka in ay ka war hayaan habsami u socodka mashruuca maamul daadajinta islamrkaa si guud loo ilaaliyo ka midho dhalinta mashruucaasi isagoo mahad celin usooo jeediyay xubnihii ka qayb galay kulankaai.
Waxa isna halkaasi ka hadlay isu duwaha mashruuca maamul wanaaga iyo tayo dhiska arimaha gudahah iyo dawladaha hoose Md Siciid Cabdilaahi Axmed waxaanu sheegay in dawlada hoose looga fadhiyo in ay dardargaliso horumarinta mashruucaasi sidoo kalana wasaaradaha wada shaqaynta la lihi ay hawlahooda si habsami ah u wadaan waxaanu sheegay in shaqaale badan la qaadan doono kuwaas oo ka hawl galidoona masharuuca maamul daadajinta .
Gabagabdii waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha qorshaynta ee dawlada hoose Md Cabdi qaadir Cumer Jaamac oo sheegay in waxyaabihii kulanka laga faa iideysatay in ka qeyb galayaashu ay ku dabaqi doonaan hawalahooda shaqo marka ay ku noqdaan xarumahoodii shaqo si ujeedadu ay u noqto mid midho dhal ah
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com