Xukuumada Somaliland oo wada Qorshe ay 50% ku yaraynayso Cuntada dibeda uga soo degta
Hargaysa 25.Feb 2014 (SDN)- Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo wasaaradaha kale ee wax-soo-saarka sida Beeraha, Xoolaha, Deegaanka, Kalluumaysiga, Biyaha Iyo Jamacadaha Hargeysa iyo Golis aayaa wada Olole balaadhan oo sanadkan la doonayo in lagu yareeyo 50 % cuntooyinka Somaliland la soo degto oo imika maraysa 85%..
Qorshahan oo lagu sar-goyn doono shirweyne weyn oo loogu magic daray shirka sugida Cuntada iyo Biyaha oo ka bilaabmi doona 2-3 bisha March magaaladda Caasimada ah ee Hargeysa kaasoo Hal-ku-dheg looga dhigay “85% waxaynu cuno wuxuu ka yimaadaa dibeda, markaa waxaynu doonaynaa in aynu wax ka bedelno oo ugu yaraan nus waxa ka soo baxa wadankeena aynu cuno, waa inaynu Yoolka yeelanaa”
Si mashruucaasi u sugmo waxa ay Xukuumadda Somaliland diyaarisay barnaamijyo wacyigelin ah oo loo diyaariyey dadweynaha Somaliland kuwaas oo maalin kasta ku soo bixi doona warbaahinta:-
Cunta Sugnaan
Hordhac
Wadanka waxa ka haysta cunta sugnaan daro badan oo ku baahsan, miyiga iyo meela door ah oo magaalooyinkka ah. Waxana sababay cunto yarida :
- guudahaan wax soo saarka dalka oo liita, gaar ahaan xoolaha, iyo beeraha oo nolosha miyigu ku tiirsantahay, iyo
- shaqa laan haysata dad badan oo reer magaal ah, iyadoo dadku ku soo kordhayo magaalda,
- tirade dadkuna( population) aad u kordhayso.
Cunta sugnaan waxa loola jeedaa “ dadka oo hela cunta ku filan tayo, iyo tiraba si ay u helaan xubnaha qoysku nafawa ku filan sanadka oo dhan”.
Hadaynu ka eegno cunta sugnaanta dhinca beraha, Beera qodashadu, waxay kaga jirtaa kaalinta labaad ee ugu muhiimsan dhaqaalaheena maka laga reebo dhaqashada xoolaha; iyadoo 20%-25% dadka noloshoodu ay ku xidhanyihiin waxsoo saarka beeraha. .
Wax Soo saarka midhaha beerahu way koobanyahy. Qiyaas ahaan, dhulka laga beeray, labada dalg ee ugu muhiimsan, sanadadii 2005 ilaa 2009 isku celcelin waxay naqdeen 35,087 hektars, Wax soo saarkuna wuxu noqday 17,362 m.ton.
Kolkaynu u eegno cuntada aan dibeda ka keensano, sida barriska, baasdada, sonkorta, saliida, daqiiqda, timirta IWM,oo isku celcelin gaadh aya ilaa 400,000 ton, cuntada aan soo saarnaa waxay ka nooneysaa 4%( boolkiiba afar.
Iyadoo laga duulayo cunta yarida dalka ka jirta ee noocaas ah, waxay Wassaard Beerahu iyadoo kaashaneysa mashaariicda horumarineed ay dawlada ka hesho, hayadaha UNta, kuwa caalamiga iyo mxaliga ah ee k hawlgala dhinaca beeraha, waxay dejisay siyaasadii dhinaca beeraha loogu hawlgali lahaa sidii wada jir ahaan ( hayadaha dawliga ee ay khusyso ee kale) dhibatadaa cunto yarida loo wajahi lahaa .
Ujedada laga leyahay siyaasaadina , waa:
`1) in la is dareensiiyo xaalada ba’an ee cunto yaraanta dalka ku suganyahay gaarahaan heerka wax soo saarka midhaha la quuto ee wadaniga oo aad u liita iyo in la abaabulo lana hawlgaliyo ilaha dhaqaalaha laguna maalgaaliyo wax soo saarka beeraha.
2) Soo bandhigida carqaladaha dhaqaale, kuwa aragtiyeed, iyo kuwa hayadeed ee hortaagan wax soo saarka dalaga beeraheena.
3)Dejinta wadada loo marayo kordhinta wax soo saarka iyo helitaanka cuntada.
Siyaasada loo marayo Sugnaanta Cuntada ee Dhinaca Beeraha
- Siyaasada iyo Shuruucda Beeraha
- Siyaasada Wax soo saarka
Hadhuudhka iyo galleyda, Dalagyada u dhigma kuwa debeda laga keeno, Dalegyada leh protiinka iyo duxda, Dalagyada loo diri karo Dibeda mustaqbalka, Timirta iyo wada Dqashada beeraha iyo Xoolaha( agropastoralism), Geed weynta, Keydinta iyo joojinta socodka Biyaha.
2.2 Hab qodalka Wanaagsan,
2.3 Aqoonta Beeraha iyo horumarinta cilmi Baadhista;
2.4 Agab beereed tayo leh;
- Koruqaadista habka Suuqgeynta;
- Suurogilinta helitaan maaliyadeed;
- Dakhli Abuur;
- Xogta Sugnaanta Cuntada
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com