Tababar ku saabsan Badbaadinta Deegaanka oo ka dhacay Magaalada Sheekh
Sheekh Feb 25,2014(SDN)-Tababar ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya badbaadinta deegaanka iyo horumarka ayaa ururka Golis ee badbaadinta deegaanku ku qabtay Magaalada Sheekh ee ka tirsan gobolka Saaxil.
Tababrkaas oo ay si wadajir ah u qabteen Wasaaradda Deegaanka iyo
horumarinta Reer Miyiga iyo Ururka Golis ee badbaadinta Deegaanka,
ayaa waxaa ka soo qeybgalay 50 qof oo isugu jira Isu duwayaashada
dawladda ee ka hawlgala laamaha dawladda ee Degmada Sheekh iyo
dadweynaha ku nool magaalada Sheekh.
Waxaa iyana aad iyo aad uga soo qeybgalay xildhibaanada golaha
Deegaanka ee degmada Sheekh, oo si weyn, iyana u danaynaya horumarinta
iyo dhowrista kheyraadka dabiiciga ee Ilaaha weynni ku manaysatay
deegaamada ay leedahay Degmada Sheekh.
Tababarka oo ay bixinayayeen saraakiil sarsare oo ka socotay Ururka
Badbaadinta Deegaanka, oo ay ka mid ahaayeen, Axmed Cabdillahi
Cawaale, AAmina Cusmaan iyo Samsam Cusman Cabdillahi
Dhinaca Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta Reer Miyigana waxaa ka
socday Maxamed Xsan Jaamac, oo ah xeel dheer ku takhasusay xidhiidhka
horumarka iyo deegaanka ka dhexeya.
Dhammaan dhinacyadii ka soo qeybgalay tababarka oo aad uGu khushuucay
aqoon is weydaarsiga noocan ah, waxay dood iyo lafogur badan, kadib,
isku waafaqeen, inaan haba yaraatee, wax horumar ah la gaadhi Karin,
haddii aan si buuxda loogu guntan ilaalinta iyo ka faa’iideysiga
kheyraadka dabiiciga ah ee mowluhu innagu manaystay.
Dooddahaas kadib, waxaa la isla qaatay in:
1. Dhirtu inay muhiim u tahay nolosha kownkan aynu u noolnahay,
ilaahayna uu uGu talo galay dhammaan inuu ka arsaaqo makhluuqaadka uu
abuuray oo idil. Sidaas awgeed, inay tahay hanti ay innala wadaaggaan,
dhammaan ma yeedhayaasha iyo wax kasta oo noolli. Sidaas awgeedna, uu
xil ballaadhanni inaga saran yahay dhowritaankooda.
2. Afarta maaddo ee dabiiciga ah: Dhirta, ciidda, biyaha iyo dabeysha
ama[hawada} ayay ku rakiban yihiin dhammaan horumarka macmalka ah ee
dawladdaha horumaray ay ku gaadheen horumarkan ay ka daba higsanayno.
Haddii aynu doonayno horumar la taaban karo, waa in aynu horumarkaas
ku salayno kheyraadka dabiiciga ah ee aynu leenahay.
3. Dhaqaalaheena waxaa lafdhabar u ah xoolo nool. Xoollaha noolna
waxaa lagama maarmaan u ah daaqa iyo dhirta. Hadii aynu dabartirno
dhirtii, taas micnaheedu, wuxuu yahay inaynu dabartirayno lafdhabarkii
dhaqaalaheena. Taasi oo inna dhaxalseenaysa fakhri, macaluul iyo
dhibaatooyin aynaan ka dabaalan Karin. Sidaas awgeed, waxaa waajib
inagu ah in laga wada shaqeeya, sidii meel looga soo wada jeesan
lahaa, xaalufka, dhuxulaysiga iyo carro guurkaba.
4. Dadaal weyn loo galo, sidii dibu dhirayn xoog leh olollaheeda loo
geli lahaa. Qof kastaana uu uGu yaraan hal geed beeri lahaa, si uu
dhulkeenu dib uga soo kasbado dhirta sii dabar go’aysa.
5. Da’ yarta iyo ardayda Dugsiga Sare ee Maxamed Shire Gaab, waxay
ballan qaadeen in arday kasta oo dhigta dugsigaas, uu beeri doono hal
geed xilli dugsigyeed kasta. Taasi oo noqon doonta dhaqan wanaagsan oo
ardaydu ku ababto, oo la xidhiidha deegaan dhowrista.
6. Ururka Golis ee Badbaadinta deegaankuna, wuxuu ballan qaaday in
fasalka ku guuleysta dhir biirista, inuu siin doono abaal marin.
7. Guntii iyo gebagebadii , tababarkan oo ku soo dhammaaday is af
garan iyo guul weyn, waxay dhinacyadii ka qeybgalay u ballameen in si
ficil ah iyo wax qabad ay u hirgeliyaan dhammaan go’aamadii la isla
qaatay, la isugu soo noqdana sida uGu dhakhsaha badan.
Ururka Golis ee badbaadinta Deegaanka, waxa uu hadda hawshan hawlo la
mid ah ka wadaa deegaanna Salaxlay, Halaaya iyo Qoton.
Halkan ka daawo Fiidyoow, tababarkan la xidhiidha, sida oo kalena kala soco
dhaqdhaqaaqa hawlaha ururka facebook’ga
Svensk-Somalisk Miljösamverkan