Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo Guddi loo saari doono Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada
Hargeysa Feb 25,2014(SDN)-Wasiirka wasaaradda Dhalinyarda,Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee JSL,Cali siciid Raygal,ayaa sheegay in Gudi isku dhaf oo ka kooban qaybaha Bulshadda iyo Haay’adaha loo magacaabi doono Sanduuqa Horumarinta dhalinyardda Somaliland,kaas oo uu Madaxweynuhu dhawaan daah-furay.
Waxa uu wasiirku sheegay in siyaasadda dhalinyaradda ee ay dhawaan ansixiyeen ay ku cadahay in dhalinta loo sameeyo Sanduuq dhaqaale oo baahiyahooda wax lagaga qabto.waxaana uu intaas raaciyay in Wasaaradda Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska iyo Daladda ay ku bahoobeen Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo oo iskaa shanayaa ay Madaxweynaha u soo bandhigeen Sanduuqan dhaqaale,ka dibna uu madaxweynuhu la qaatay.
Mar la weydiiyay Miisaaniyadii Qaranka waxa uga qoondaysan Sanduuqan,ayuu wasiirku sheegay in Miisaaniyadu ay ka horaysay Sanduuqan,isaga oo dhinaca kale Wasiirku rajo fiican ka muujiyay in miisaaniyadaha soo socda wax muuqda looga qoondayn doono.
Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd, bal gacanta ay Xukuumadu ka gaysanayso Sanduuqan ayuu sheegay inay Xukuumad ahaan ay ka sooo baxeen balantii oo ay lacagtii ugu horaysayna uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay inay ugu deeqeen sanduuqaa lacag dhan100,000$.iyada oo gudanaysa ayuu yidhi Wasiirku doorkeeda Hogaamineed iyo dheeri galineed.
Ugu danbayntii mar la weydiiyay waxa uu Wasiir ahaan u soo jeedinayo dhaloiyradda Somaliland ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa “waxaan u soo jeedinayaa inay dhalinyaradu dalkooda iyo dadkoodaba ilaa shadaan.wixii xun ay ka fogaadaan ee qaadka iyo wixii la mid ah.sida Qabyaalada iyo Tahriibta”.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com