|

Baadhitaan Lagu Hayo Askari Lagu Tuhunsan Yahay Dilkii Taliyihii Goldogob iyo Warwar Dhinaca Ammaanka ah oo Soo Kordhay

Galdogob:25-Feb-2014(SDN)-Ciidanka Dambi-Baadhista ee degmada Goldogob ayaa su’aalo weydiinaya askari Lagu Tuhunsan yahay dilka taliyihii saldhigga degmadaasi Muumin Maxamed oo maalin ka hor Lagu Dilay Saldhigii uu maamulayey.

jouAskarigan oo isku dayay inuu baxsado ayaa gacanta lagu soo dhigay ilaa haddana lama garanayo sababaha ka dambeeyay inuu rasaaseeyo taliyihiisa, waxana Haatan Lagu wadaa Baadhitaano Badan.

 

Howlgallo ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa in ciidamada maamulka Puntland ee degmada Goldogob ay ka wadaan kuwaasoo lagu sugayo amniga degmada, iyadoo uu jiro Shaki ah in Kooxda Alshabaab ay soo  Dhex Gashay dhinaca Ciidanka.

 

Duqa Goldogob  Cabdullaahi Saciid Ismaaciil ayaa u sheegay warfidiyeenka in ay sugayaan amniga isla markaana weli askariga ay ku hayaan saldhigga degmadaasi.

Taliyaha la Dilay ayaa si weyn u Gilgilay Dhammaanba Ammaanka Maamulka Puntland, waxana Jira Baadhitaano Badan oo lagu Hayo Sababta Keentay in Taliyuhu uu Ku Baxo Gacanta ciddii uu ammaankiisa ku Aaminay, iyadoo Maanka Lagu Hayo in Dhaqankaasi Yahay midka Kooxda Alshabaab ay caanka Ku Tahay.

S.D.N

Contact@somalidiasporanew.com

Comments are closed