Madaxweyne Gaas Oo Kulamo La Qaatay Ra’isal Wasaare Hailemariam iyo Nuxurka Wada Hadalladii ay Yeesheen
Addis-Ababa:25-Feb-2014 (SDN)-Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Haatan Safar ku Jooga Dalka Ethiopia ayaa Kulan la Qaatay Ra’isal wasaaraha Dalkaaas Hailemariam Desalegn.
Kulankan Labada Masuul oo Xalay Saacadihii Dambe Qabsoomay, ayaa waxa Goobjoog ka ahaa Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Dr. Tedros, Halka ay Madaxweyne Gaasna la Socdeen wasiiradda Arrimaha gudaha iyo warfaafinta Puntland, taliyaha ciidanka difaaca ee Puntland iyo saraakiisha Madaxtoyada.
Ra’iisal wasaare Desalegn ayaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland dalka Ethiopia, waxana ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka nabadgelyo midka ganacsiga iyo weliba kan siyaasadeed ee soo jireenka ah, waxana uu Kulankoodaasi Ku Dhamaaday Is Fahan Buuxa sida ay Saraakiisha Reer Puntland u sheegeen Warbaahinta qaarkeed.
Kulankan labada Dhinac dhex Maray ayaa sidoo kale Diiradda Lagu Saaray Haliska ay Kooxda Alshabaab ku Hayso dhammaanba Maamullada Geeska Afrika, waxana si weyn la isula Eegay sidii Dagaal Midaysan loogu qaadi lahaa.
Horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga labada dhinac gaar ahaan dhinacyada tababaradda iyo kor u qaadidada tayada hay’adaha dowliga ah ayaa sidoo kale kulankan labada masuul uga wada hadleen, iyadoo Ballamo lagu kala Tegay.
Wafdigan uu Hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiweli ayaa u kicitimi Doona Dhinaca Caasimadda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo la Sheegay inay Casuumad Rasmi ah ka Heleen.
Madaxweyne Cabdiweli ayaa lagu Wadaa Habeeno kooban ka dib dib ugu Noqdo Garowe, waxana la Filayaa inuu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar kala Hadlo Arimo badan oo labada Dhinac Khuseeya.
S.D.N
Contact@somalidiasporanew.com