|

Tiro Culimaa’udiin ah Oo Kooxda Alshabaab Ka Qafaalatay Deegaanka Ceelbuur

Ceelbuur:25-Feb-2014 (SDN)-Kooxda Al-shabaab ayaa La Sheegayaa inay Deegaanka Ceelbuur Ka Qafaalatay Tiro Waddaado ah oo kuwa aan Had iyo Goor Dhegaysan  Amarrada ay Soo Rogaan.

shabaaabAfduubka ayaa dhacay Shalay Galabtii, waxana la Sheegayaa inay Kooxdu Kaxaysatay 19-Wadaad oo ku Noolaa Deegaanka Ceelbuur.

 

Sheekh Cabdi Xasan Maxamed (Biyo quute) oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa xaqiijiyay Afduubka Culima’udiinka, wuxuuna intaasi ku daray in Sababta ay tahay Diidmo ay diideen Wadaada in ay ka qeyb galaan Wacyigelinta Shacabka ee Dagaalka ay Wadaan Kooxda Alshabaab.

 

“Culimada la qafaashay Waxa  ay kahor yimaadeen in ay ka qayb galaan Shirar, ay ku sheegeen Maleeshiyada Kooxda Al shabaab in ay dadku ku baraarujinayaan in ay ka qayb qaataan dagaalada ay kaga soo horjeedaan DFS & AMISOM,” ayuu yidhi Cabdi Xasan Maxamed (Biyo quute).

 

Wadaadada la qafaashay, ayaa ahaa Culima’udiin Kutubada ka akhriya Masaajida Ceelbuur iyo Macalimiin wax ka dhiga Dugsiyo Qur’aanka lagu barto oo ku yaalla Degmada iyo Deegaano ku dhow, mana la oga halka ay ku danbeeyaan.

 

Maamulka Ahlu Sunna, ayaa sheegay in Al shabaab ay Cabudhin xooggan ay ku hayaan Shacabka Gobolka Galgaduud, waxaana ay ballan qaadeen in dhowaan ay ka saari doonaan Degmooyinka iyo Goobaha kale ee ay joogaan.

Dadka Deegaanka ayaa Walaac ka muujiyay Afduubka ka dhanka ah Wadaadan, waxaana ay ku baaqayaan in lasoo daayo.

Kooxda Alshabaab ayaan wali wax Hadal ah ka soo Saarin Culimadan ay Kaxaysteen, waxana La Filayaa inay Su’aalo La Xidhiidha Amar diiddada Lagu Eedeeyey wax ka Weydiiyaan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanew.com

Comments are closed